Published:

“Waxaan u Sheegaynaa Mucaaridka In Aanay Somaliland ku Iman Faro-gelin Shisheeye, Umana Baahnin Imikana”

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaar), oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo eedaymo been abuur ah u soo jeediyay xukuumadda.

Waxaanu tilmaamay in xisbiga WADDANI ay ujeedadiisu tahay in uu Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye, sida maamulka Xamar oo kale. waxaanu sheegay in qaranimada Somaliland aanay ku iman farogalin shisheeye.

Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramay DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Waddani xidhiidh la leeyahay dawlada Xamar ee dalka Somalia, isla markaana uu doonayo in faro-gelin dibadeed lagu sameeyo Somaliland.isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaa uu yidhi xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI xoog ha la nagu soo dhex-galo aniga iyo bulshadda Somaliland, waxay u arkaysaa in xisbiga WADDANI ay tahay ujeedadiisu in Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye oo sida Xamar oo kale dusha laynaga qabsado. horena waan u sheegay fikirka Waddani waxa uu u eeg yahay shaqada Xamar ka socota, waanay wada socdaan”.

“Markaa waxaan u sheegaynaa mucaaridka in aanay Somaliland ku iman farogalin shisheeye, umana baahnaanin, una baahnaan doonin. Ninka doonayaa in shisheeye yimaado dalka, halkaa shisheeyuhu joogo ha ugu tago, halkaas ayuu rabaaye ayaan leeyaay. Somaliland, iyadaa isku tashatay waxa ay ku badbaadayna waa farogalin la’aanta markaa waxa arrintaa u arkaa in xisbiga Waddani dhaawc u keenayso waxaana ay moodayaan waxa ay qabaan in dadku wada qabo qolada muaaradku oo ah in Xamar aynu u eekaano” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.

Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, waxa uu intaasi ku daray in aan qaranimadda Somaliland looga baaqan xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo. isagoo xusay in warka la sheegay in shebadda Waikiki’s in ay baahisay uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana uu warkaasi yahay mid been abuur ah.
Waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay looga baaqi maayo Somaliland hogaamiyaheeda iyo ragga la shaqaynaya, in ay shisheeye heshiis la galaan oo dhabar furan go’aankii Somaliland ku goosatay, looga baqi maayo. Arrintaasina ma aha mid jirta, oo sal iyo raad toona ma leh. Waikiki’s waa la baadhay kamay soo bixin wax jirana ma aha.
Waa arrin been abuur ah, dadka Somaliland neceb ayaa sameeyay markaa waxa ayaan dara wixii dadka Somaliland necebi ay sameeyeen in hogaamiyayaasha xisbiyaddu hor ordain iyagoon dadka tusin wax muuqda oo lagu qancin oo warkii suuqa raacaan iyaga ayay ceeb ku tahay.
Dhinaca kale xildhibaan Saleebaan Cawad Cali, waxa kale oo uu sheegay in xisbiyadda mucaaradku wax taageero ah ku haysan umadda isla markaana ay ku milmeen kooxda sharci darrada ah madasha. waxaanu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu yahay ka ugu taageeradda badan dalka uguna taariikhda weyn.

“Xisbyadda mucaaridka ah waxa aan leeyahay sidii Kulmiye markii uu mucaaridka ahaa haddii ay xisbiyo yihiin yaanay madal iyo wax aan sharci ahayn dhex fadhiisan oo aanay ku gaban ee banaanka ha u soo baxaan taasina waxa ay muujinaysaa tageeradda aanay ka haysan shacbiga. xisbiga Kulmiye waa ka ugu balaadhan ee ugu taageerada badan ugu taariikhda weyn hogaamiyihiisuna waa Mensal Mandelaha Somaliland” ayuu yidhi xildhibaanku.

News Related