Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Go,aankii Maxkamada.
July 24, 2015 - Written by admin
Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Go,aankii Maxkamada.
REF: XK/XGX/0042129/2015 Date: 23/07/2015
Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare SL
Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.
Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.
Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.