|
|||
Gabileynewsonline.com
Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Wada Hadal La Galayso Kooxda Khaatumo
July 1, 2015 - Written by adminXukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay wada hadal toos ah la galayaan dhammaadka bisha ramadaan kooxda Khaatumo ee ka dhisan bariga Somaliland.Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxda Khaatumo ka aqbashay wada hadalkii,kaasi oo bilaabmi doona marka laga baxo bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax ayaa dadwaynaha Reer Laascaanood ku booriyay inay is diwaangaliyaan
Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in wixii ka maqan gobolka Sool aanu ku iman karin qori ee nabad galyada la ilaaliyo isla markaan horumarka la shaqeeyo.
Hadalkan guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo kooxda Khaatumo laga qabsaday goobo badan oo ay ku sugnayd ,horena Madaxwaynaha kooxdaasi uu sheegay inay Somaliland wada hadal la gali doonaan.
COMMENTS
|
Latest News
|