|
|||||
Gabileynewsonline.com
Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Qaddo Sharaf U Sameeyey Masuuliyiin Ka Mida Gudida Laanta Bristol ee Waddani
August 1, 2015 - Written by adminHargeysa(Haldoornews)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa maanta Dalxiis Hotel ee magaalada Hargeysa Qaddo Sharaf ugu sameeyey Xubo kamida Masuuliyiinta sar-sare ee laanta Bristol ee Xisbiga Waddani,Xafladan Qaddo Sharafta ah oo ujeedadeedu ahayd is-xogwarysi iyo sidii loo dardar galin lahaa hawlaha Xisbiga ayaa waxa kasoo qayb galay , Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,Gudoomiye Kuxigeenka Magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Cabdi Iimaan Cumar,Xogahayaha Guud ee laanta Magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Axmed Cabdilaahi Cabdi wahan ,Xoghayaha Dhaqaalaha ee laanta magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Faysal Maxamed Jaamac, iyo Xubno kamida gudida fulinta ee laanta Magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani oo kala ahaa , Siciid Cabdilaahi Cabdi,Naasir Axmed Xasan,Xamse Saxardiid Kaahin , Cabdalle Cismaan Jaamac. Xafladan Qaddo sharafta ah oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxa madasha la isku waydaarsaday afkaar iyo aaraa ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha xisbiga ee magaalada Bristol Ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa isagoo isla markaasina aad ugu mahadnaqay sida fiican ee ay uga shaqeyaan hawlaha Xisbiga oo uu tilmaamay in Magaalada Bristol ay kaalin mugle kaga jirto isagoo isla markaasina xusay in Xisbigu ogyahay doorka ay ka qaataan qaadhaanka iyo guud ahaan hawlaha Xisbigaba isagoo ugu danbayntiina ku dhiiriyey inay halkaasi kasii wadaan dadaalka ilaa inta guusha kama danbaysta ahi Xisbigu helaayo. Sidoo kale waxa iyana madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Gudoomiye Kuxigeenka Magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Cabdi Iimaan Cumar,Xogahayaha Guud ee laanta Magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Axmed Cabdilaahi Cabdi wahan ,Xoghayaha Dhaqaalaha ee laanta magaalada Bristol ee Xisbiga Waddani Mr.Faysal Maxamed Jaamac, iyagoo dhamaantood si midaysan ugu mahadnaqay Afhayeenka Xisbiga sida fiican ee uu ugu soo casuumay Madashan Qaddo Sharafta ah iyagoo isla markaasina balanqaaday inay sii libin laabi-doonan hawlaha Xisbiga
COMMENTS
|
Latest News
|