Hargeisa (Haldoornews)- Sh Maxamuud Sh Cabdilaahi(Sh Maxamuud Naxwe oo degan magaalada hargaysa) waa qoraa somaaliyeed ,oo wax ka qora culuumta diiniga ah gaar ahaan cilmiga fiqhiga ah,siiba dhaxalka,oo  dhawr kitaab uu  ka qoray, iyo culuumta rarabiga sida NAXWAHA,SARFIGA IYO ARIMAHA QOYSKA oo uu buugtoodii halkan  ku soo bandhigay
kutub gaadhaysa dhawr iyo toban ayaa uu qoray kuwo ddamays tiran iyo kuwo uu xaalxaalayo iyo kuwo uudaabacay iyo kuwo uu daahfur iyo bandhig intaba uu usameeyay.

halkan haddaba waxa uu rabaa in uu soo bandhigo labo buug warkood ,mid ahaan waa kan magaciisu yahay BADHAADHAHA GUURKA  IYO ARAGTIDA ISLAAMKA EE HABDHAQNKA LAMAANAHA ,BUUGAN AMA KITAABKAN OO KU QORAN AF SOMAALI buuga labaadna magaciisu waa ( qolka hurdada qisooyin iyo cilmiyo ku duugan)isna waxa uu ku qoran yahay af soomaali, blabada buug waa kuwii koowaad ama labaad ee noocooda ah ,ee ka hadla arimaha qoyska isla markaana waafaqsan diinta islaamka,labada buugba waakuwan hoos ku cad tusmadoodii iyo mawaadiicda ay xanbaarsanyihiin, buuga koowaad waxa uu ka hadlay guurka oo si balbalaadhan uu uga hadlay,cilmiyo kala duwan oo balaadhana wu ka hadlayaa kitaabkaasi, waana mid uu ugu tala galay arka uu guurka bilaabaayo in uu qaato waayo wax badan ayuu ka  saacidayaa,waxa uu ku soo bandhigay ama uu daahfur ugu sameeyay sheekhu  goobo kala duwan sida,jaamacadda hargaysa,jaamacadda golis ee burco,jaamacadda camuud ee borama iyo goobo kale,waanad waydiin kartaa google si aad udaawato goobaha qaarkod loogu sameeyay daahfurka, aad ayay usaweeyeen buugan qaybaha bulshada ee kala duwan gaar ahaan kuwaa ka soo qayb galay goobahaaa lagu soo bandhigayay buugaas, waana buug aad loogu bogay dhawr jeerna ladaabacay oo intaba dhamaaday ilaa haddana aanay bulshadu ka dhergin una baahan in laga dhergiyo, buuga labaad isna waa buugan magaciisu yahay QOLKA HURDADA QISOOYIN IYO CILMIYO KU DUUGAN . buugani waa mid isagu aad uxasaasi ah isla markaana ku gaar ah marka ninka iyo xaaskiisu isku gaarka yihiin ,waxaanu xanbaarsanyahay cilmiyo iyo xikmado fara badan oo dhaamaan ku gaar ah qolka raaxada ee hurdada, sida aad ku arkayso magaciisa ee aad ka dhadhansanayso ,isla markaana aad ku aragto fahraska iyo tusmada buuga, buugan sababata ugu wayn ee igu kaliftay waxa ay tahay dadku way garanayaan guurso ,laakiin cilmiyo badan ayaa ka dhiman bulshada, marka laga reebo wadaadada oo iyagu hoosta ka shuuqsada isla markaana ka akhrista kutubta diiniga arimhaa faraha badan ee ku duugan qolkan isga ah, arinta uu xanbaarsanyahay waa arinta afka carabiga loo yaqaano jinsiga ama isu taga lamaanaha iyo aadaabta iyo axkaamata diinta islaamku  ay dhigtay, horta mawada aha ee wadaadada qaarkood ee soomaalida fiqhiga hawlahan ku saabsani wuu isku daba gadiyay ilamaa ay xaaraanba ka dhigeen ama ku dhawaadeen soo hadal qaadka arinta jinsiga, waxaana layidhi shaadh hala huwiyo marka laga hadlayo ee diinteena islamku may odhan yaan lasoo hadal qaadin, bale waqtigii rasuulka calayhi salaatuwasalaame ayay dhacday in ay rasuulka uyimaadeen dad ka cabanaya ama qawadsan hawshan isu taga lamanaha, sida gabadhii rasuulka utimi ee ku tidhi rasuulkii alloow ninkayga waxa ku yaal wax aad moodo faraqa marada xagga jilayca waxa ay ujeeday xubinkiisa taranka , rasuulku muu ku odhan naa aamus waxaa lama soo hadal qaadee, qaar kale rasuulku markuu kawaraystay xagga mucaamalada ninkooda ,waxa ay usheegeen in aanu maradaba ka rogin ninkoodu,waxa ay ujeedeen in aanu ugalmoon ragoodu,waa uu ku caanaatay rasuulku waxaana ka mid ahaa hadalkiisa ,in uu kuyidhixaaskaagu xaq ayay kugu leedahay waxa uu ujeeday xaqii ahaa  in aad ugalmooto, bale waxa ku cad diinta in haddii uu ninku bilaa hammo noqdo oo uu waxba isla waayo in ay gabdhu ninka iskaga tegi karto haddii aanay iyadu xaqeedaa ka tanaasulayn oo aanay iskaga raali noqonayn in ay iska ag jiifto keliya, waa arinka ama ujeedada laysu guursado kuwa ugu muhiimsan isu taga lamaanuhu, haddii uu guursado keliya laakiin aan laysu tegayn guur lama yidhaahdo arinkaa, culumadeenii salafka waxa lasheegaa oo kutubta ku cad in ragga qaarkood ay ku ducaysan jireen ilaahoow ii adkee xubinka taranka macnaha ka dhig mid awood badan,weliba waxa ay ahaayeen ragga caynkaa ku ducaysan jiray rag ah culumo waawayn oo cibaado badan.

sidaa daraadeed diintu waa ay diiday oo waa xaraan in nika iyo xaaskiisu ay sheegaan hawlaha dhex maray ,ama hadal ama ficil laakiin diintu madiidayso  ninka guursanaya in loo sharxo hawluhu sida ay yihiin ee diintu ogoshahay ,nin wadad ah ayaa igu yidhi khayr ilaah hasiiyee ,aniga sheekhaygii hawshaas mar lawaydiiyay waxa uu ku jawaabay orgiga yaa baray ,LAAKIIN ANIGA JAWAABTAASI IMA AY QANCIN,horta waa sax oo ilaahay ayaa ku ilhaamiyay ,laakiin hawshu ma aha in xubinka xubinka lagu beego keliya,laakiin waa hawlo badan iyo cilmiyo badan oo kale ayaa jira oo qofka ku iman kara oo uu is waydiin kara isaga oo hawshan ku guda jira oo uu odhan karo tolow hawshaasi mabaantahay,oo mala samayn karaa, xili uu wadaad doontana maaha,markaa waxa ay noqonaysaa in uu waxaa iska sameeyo  xaaraan iyo xalaal kuu doonaba ha ahaadee ,iyo in uu hawshaasba faraha ka qaado, culumda hawlahan ka warantay ee muslimiintii hore ahina ee diinta inooga aqoon badnayd aad ayay uga warameen,markaa wadad yar oo miskiin ah oo maanata nool hadalkiisu ictibaar malaha,

qisooyin badan ayay sheegaan culimadu waxa uu sheegaa kitaabka ASRAAR AL JIMAAC ,hadal uu macnihiisu yahay sidatan.

nin iyo gabadh ayaa is guursaday ,kaddib habeenkii aql galkooda ayaa waxa dhcaday markii laysu soo xareeyay ,ayaa labadiiba mid waliba dharkii ayuu dhigtay, midna mid lama hadlo, hal saac markii ay is eegayeen,ee aanu midna mid lahadlin intaa, ayuu ninkii ku yidhi gabadhii naa miyaanay hooyadaa wax kuu soo sheegin,iyana waxa ay ku tidhi waar miyaanu aabahaa wax kuu soo sheegin, kadib waxa dhacaday mid walba intuu dharkiisii gashaday ayuu iska seexday,habenkii labaad iyo saddexdna sidan oo kale ayay sameeyeen.

markaa hawshani iyo aadaabta ku soo aroortay iyo sida ayu kala horaynayso waxa ay ubaahantahay cilmi iyo diraasad,midda kale maaha ayay yidhaahdaan culimada ka waranta jinsiga in laysku soo boodo oo keliya oo mid waliba markuu waxoogay girif girif leeyo uu iska seexdo,ee waxa jira wax badan buugeena ayaan ku balbalaadhiyay oo aad ka akhriyaysaa.

soomalieenii hore hawshan marka ay qabanayaan dhib badan ayay ku dhici jireen,oo dagaal ayaaba dhex mari jiray ilaa hadda waa ay jirtaa dhibtaasi,,waxa laga yaabaa ninku markuu doono hawaanaydiisa in ay qabsan jirtay dhib badani,oo xataa marka aqal galkooda habeenada hore qaarkood waaba loo soo gurman jiray,gaar ahaan marka uu ninku yahay mid daciif ah oo aan awood badan lahayn. markaa hadlaka waan xidhayaa ee buugani waa mid aan hawlahaas kaga waramayo, wax badan oo laga yaabo in aad si kale u aaminsantahay ayaad ka helaysaa kitaabkeenan ,midda kale maaha wax aan iska qor qoray ee waa wax ku salaysan diinta islaamaka,wixii aan ku salaysnayn diinta islaamakana inaga reeban.

cala kuli xaal buugan qolka hurdadu waa mid aad ubaahanatahay marka aad guursanyso gaar ahaan marka meherku dhaco ama aroosku soo dhawyahay ,waa khasab ama waajib ayaan ku sheegi karaa aniga  oo adkayan uga jeeda,in aad barato cilmiga ku duugan buugan qolka hurdada, buugeenaa kale ee isaguna ku lamaani lafatiisa cilmiyo badan ayaa ku duugan,oo hawlahan iyo kuwo kaleba leh,lakiin aad ayuu ubalaadhanayahay kaas badhaadhaha guurku oo si balaadhana ayaan uga sheekaynayaa  guurka guurd ahaan,iyo waxyabaha ay isku kasban karaan lamaanuhu, waxa aad ubaahanatahay hadalka oo kooban in  cilmiga ku ku cad labadan buugba aad si mug leh uga bogato.

BAAQA USOCDA SOOMALIDA KU NOOL WADDANKA DEBEDIHIISA

baaqaygu waxa uu yahay ugu danbayntii ,labadan buugba ama kitaaba aad ayaa lay waydiiyaa,buugtuna waxa ay ubaahantahay dhaqaale iyo lacag lagu daabaco,aniguna kutub badan ayaan rabaa in aan ooda ka soo qaado in sshaa allaah bilaha soo socdaa,oo kuwa kale ay yihiin naxwayaal,sarfi,dhaxal,iyo mawduucyo kala duwan,labadan buug ayuunbaan ugu talo galay hawlaha qoyska. haddaba waxa aan rabaa oo aan si cad ugu sheegayaa in soomaalidu meel ay joogto caalamakaba,in ay igala qayb qaatan daabicidda labadan buug oo aan ka bixinaayo sheer, waxa aan rabaa ciddii buugtan daabacaysaba ee baahinaysa in aan siiyo sheer ,waa noo kal badh faaiidadu badh iyo badh,cadadka iyo tirada uu doonaba ha leegaadee ciddii igala qayb qaadanaysa daabicidda labadan buug ama mid ahaantoodba sheerkaas ayaan siinayaa,faaiidaduna waa noo badh iyo badh,dhinaca kalena dadkeenii waynu ufaaiidaynay oo waxbadan oo diinta islaamaka ku salaysan oo faaiido ah ayaynu siinayanaa, dadka aan rabo in ay ila sheergareeyaan waa dad xadidan markaa ka faaiidayso yaanu kaa buuxsamin liisku ,

email-ka ama faceka qoramaxamuudnaxwe@hotmail.com
hhhh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here