Gabileynewsonline.com
Dawlada Burundi oo Beesha Caalamka ugu Hanjabtay in ay Ciidamadeeda kala Bixi Doonta Somaliya iyo Dalka Suudaan.
August 12, 2015 - Written by admin

amisonMuqdisho (Haldoornews)-Burundi oo ciidan militari ihi ay ka kala jooggeen Wadamada Somalia iyo South Sudan, iyagoo markaasi ku joogga Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay ku cago jugleysay inay Ciidamada kala bixi doonto.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa waxaa lagu sheegay, haddii Beesha Caalamka ay joojin weydo cadaadiska, isla-markaana uu sababo in cunaqabatayn dalkiisa lagu soo rogo, ay markaasi cilaaqaadka u jari doonaan Qaramada Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika.

Warbixinta oo ay soo daabacday Wakaaladda Wararka AP, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Burundi ay qaadi doonto tallaabo kale, oo ay Ciidamadeeda Militariga ugala soo baxeyso Somalia iyo South Sudan.

Beesha Caalamka, ayaa waxay Madaxweynaha Burundi kaga digtay in mar saddexaad uu qabto Jegada Madaxtinimada Burundi, walow bishii hore markale loo doortay in tallada dalka uu sii haayo.

Midowga Yurub iyo Mareykanka waxay si isku midda ay Madaxweyne Nkurunziza ugu eedeyen inuu ku xadgudbay Dastuurka Burundi u yaala, oo qeexaaya in Madaxweynuhu aanu laba goor ka badan xilka isu soo taaggi karin. Laakiin wuxuu Madaxweynuhu ku andacoonayaa in doorashadii 1-aad, aynaan shacabku soo dooran.

Qaramada Midoobe, ayaa waxay Isniintii sheegtay in guddi baaritaano ka sameeya dalka Burundi, ay u diri doonaan dhowaan, inkastoo aan la garanayn waxa ay baari doonaan.

Dalka Burundi oo 2005-tii uun ka gudbay dagaalo sokeeye, ayaa waxaa xilligan laga diggayaa in dalkaasi uu dib ugu laabto, xilligii adkaa.

 

Haldoornews.com

Muqdisho Office

contact@haldoornews.com

 

COMMENTS
Latest News