Gabileynewsonline.com
Gabadh U Ololaynaysa Guurka Dadka Isku Jinsiga ah Oo Ka Dhex-toostay Bandhigii  Buugaagta Hargaysa.
August 6, 2015 - Written by admin

gabadhHargeysa(Haldoornews)-Carwada buugaagta Hargeysa oo looga bartay sida magaceedu u dhiganyahay bandhigyada buugaagta ayaa sannadkan lagu arkay barnaamij aad ugu cadcad oo lagu magacaabo Womern of World (WOW). Taas oo maaliyad badan ku taageertay barnaamijka buugaagta ee sannadkan.

WoW waa barnaamij ay aasaastay gabadh lagu magacaabo Jude Kelly. Jude marka laga tago barnaamijkan waa agaasimaha fanka ee xarunta South Bank oo ku taalla Ingiriiska. Xogo rasmi ah oo aannu helnay ayaa soo bandhigaya in Jude tahay gabadh u ololeysa aadna u taageerta guurka loo yaqaan “Gaye Marriage” ama Liwaadka.

Maqaal lagu baahiyey warbaahina Standard ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warbixin uu ka qoray ay ka mid ahayd “Qof waliba bay tidhi (Jude) wax buu ka baran karaa bulshadda liwaadka. “Gay society” kuwaas oo ballaadhiyey fikirkooda la xidhiidha galmada. Guurka lammaanaha isku jinsiga ah aad bay qalbigeeda ugu weyn yihiin. Waxa ay sheegtay in ay u han weyn tahay inanteeda 27 jirka ah Caroline oo gabayaa ahi in ay tagay dadkaas guursana doonto gabadh kale dhowaan.”

carwoIntaas waxa ay ku dartay jariiraddu “Kelly waxa ay ka furaysaa xarunteeda Southbank goob ay isku aroostaan ragga ragga guursada ­ama dumarka dumarka guursada si ay u xoojiso taageeradooda”.

Carwada buugaagta Hargeysa ayaa aad loogu weeyneeyay sannadkan iyada oo kulanno kula qaadatay hablaha da’yarta ah ee reer Somaliland khudbadana u jeedisay. Tan oo ahayd in loo weyneeyo Jude, iyada oo aanay cid badani aqoon u lahayn hawlahan ay ku shaqayso.

Waxa kale oo ay kulanno la qaadatay qaar ka mid ah ururrada bulshadda si ay u xoojiso xidhiidhkeeda taas oo saamayn ku yeelan karta hawlaha ururrada looga bartay.

Carwada buugaagta iyo xarun dhowaan la furay oo lagu magacaabo “Xarunta Dhaqanka Hargeysa” ayaa dad badani su’aal saareen ujeeddadooda rasmiga ah ee ay u shaqeeyaan oo ka gundheer buugaag la soo bandhigo.

Arrintan ayaa dhabarjab ku ah bulshada iyada oo aanay war u hayn masuuliyiinta dowladda ee ay khusayso arrintani.

COMMENTS
Latest News