Hurdada badan ee joogtada ah waxay keeni kartaa halis badan dhinaca caafimaadka, ha ugu horeeye dhinaca wadnaha, cumri dagdag, iyo madax xanuun joogto ah.
Aduunkan maanta aan ku noolnahay waxa lagu xisaabtama saacado, hadaad tahay qof hurdo badan wax badan ayaa hurdada kugu seegi doona.
1. Marka hore kala saar inaad tahay qof hurdo badan iyo in kale: sida dabiiciga ah qofku wuxu u baahan yahay 6 ila 8 saacadood oo hurdo ah. Laakin hadaad si joogto ah ka badsatid 8 saacadood oo gaadhid ila 11 saacadood ogow waxaad tahay qof hurdo badan.
2. La tasho dakhtarkaaga: marmarka qaarkood hurdada badan waxa sabab u ah xaalad caafimaaded, waxa laga yaaba inu xanuun ku soo hayo ama daawo lagu qoray kugu keenayso hurdo badan.
3. Isku day inaad maalin kasta seexatid soona toostid wakhti go’an: waa tababar u jidhkaagu qaadanayo markaa aad ku dadaashid inaanad badalin wakhtiga aad seexatid iyo wakhtiga aad hurdada ka toostid. Mudo ka dib adigon is toosin ayaad xiligaa hurdada ka kici doonta.
4. Intaanad seexan go’aanso inaad xili hore toostid: tallaabadani waa tallaabo fudud laakin u baahan casiimad aad u adag.
5. Is dhiiri gali: isku dhiiri gali waxaad ka faaidi lahayd hadaad hurdada yareeysato.
6. Inyar inyar hurdadaada u yaree: markaliya ha odhan hurdadaydan dhowr saacadood ka jarayaa, waa inaad maalintiiba inyar ka jartaa. Waxaad kaga bilaabi kartaa inaad weegiba hurdadaada nus saacad ka jartid.
7. Haday suurta gal tahay galabti inyar yara seexo: hurdadaa yar jidhkaaga energy ayey siinaysa laakin hadaad hurdadaa galabta badsatid caajis ayey ku keenaysa.
8. U bax cadceeda: maalintiiba ugu yaraan waa inaad wax yar cadceeda u yar baxdaa.
9. Jimicso: caafimaad badan ayaa ku jira jimicsiga, maalinta aad jimicsatidna hurdo fiican ayaad qaadan doonta.