
“Wasiirka Cukuse oo ka soo laabtay safar uu raacay Madaxweynaha somaliland goboladda bari ayaa maalintii shalayba wasaaradda la soo galay Farriid-nimo xad dhaaf ah. Taas oo markii uu indhaha saaray Maareeyaha Tv-ga Qaranka ku bilaabay adeer waxba ka khaldan Kharashka Tv-ga ee Xisaab xidhadiina isoo gudbiyaa xayeysiis iyo warar wax kasta waa la idinka rabbaa” sidaasi waxa shabakada warar ee xogreebnews.com uu sheegay Goob jooge ku sugnaa markii weedha kululi dhex mareen wasiirka iyo Maareeyahaya Tv-ga dawladda.
Waxa kale, oo goob-jooguhu noo sheegay inuu dalabka wasiirka ka dareen celiyey Maareeyahay Tv-ga Qaranka Md Cabdi cali Mahdi, kaas oo wasiirka ka dalbaday inuu is dejijo oo ay xafiiska isla galaan waxa aan suuro gelin hadalkii Maareeyaha oo waxa aan weedhihii kulala joojin wasiirka oo doonaayey inuu kaxaysto Baabuurkiisa kana baxo wasaaradda, waxana uu mar kale uu yidhii sarkaalkan oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo sababo amaan awgood” wasiir horta inaa keen xafiiskaga aynu ku wada-hadalnee” intaa markii uu yidhii Maareyuhuu waxa jawaabo guracani ka soo baxday Wasiirka oo aad moodo inuu qaadireysan yahay “adeer xafiis lahayne aanu xisaab kugu nimaad-no”.
Markii intaa la is weydaarsaday waxa meesha soo gaadhay wasiirku xigeenka wasaaradda oo Wasiirka uu sheegtay inuu waqti kale ka dhigto arrimahan oo ay wax isla eegaa. Si kastaba ha ahaatee waxa aan beryahan dhegaha dadweynaha ku badneyn khilaaf muddo ay iska ilaalinayeey masuuliyiinta wasaaradaasi tan iyo markii la bedelay Maareyihii hore, waxana uu wasiir Cukuse muddo iska ilaalinaayey in la maqlo isku dhac balse soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa Bahal caydhin ma daayo Nina caadadiisa ma baajo waxa cadaan ah inuu wasiirku yahay fimada meesha fadhida.
Waxana indha lagu hayaa halka uu saldhigii doono khilaafkani, iyadoo ay jiraan koox ka mid ah shaqaale weynaha wasaaradda oo wasiirku shaqadii ka joojiyey kana Goosta Mushaharadii iyo Lacagtii gunnada ahayd ee la siin jiray.