Published:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo muddo todobaad ku siman socdaal ku marayay gobollada bariga Somaliland ayaa la sheegay inuu magaalada Burco kulan kula yeeshay haldoorka beeshiisa islamarkaana kulanka lagu lafo guray mustaqbalka Xisbi xaakimka Kulmiye iyo sidii hore loogu sii wadi lahaa.

Shir Doceedkan oo la sheegay in dhanka madaxweynaha ay wehelinayeen wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee beesha ugu jirta xukumadda iyo Kulmiye ee weftiga la socda ama jooga Burco, ayaa la sheegay in dood dheer kadib la isla gartay inaan beeshu doorkan yeelan han madaxweyne, maadaama Madaxweyne Siilaanyo kursiga joogayo ugu yaraan 7 Sannadood oo ah muddo xileedka la doortay iyo wakhtiga loo kordhiyay, taas bedelkeedana beeshu dadaal u gasho hanashada Hogaanka Kulmiye.

Xogo kulankaasi oo la sheegay inuu Guriga Martida ee Burco ka dhacay uu ka helay Wargeyska Foore, waxa lagu sheegay in dad badani ku taliyeen in Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, loo cumaamado guddoomiyaha Kulmiye, maadaama saadaasha hor dhaca ahi sheegayso in shirka Xisbiga la qaban doono September oo musharaxa lagu cayimi doono.

Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Madaxtinimada, iyadoo la isla gartay in loo daayo Musharaxiinta ilaa hadda hankooda shaaciyay ee kala ah Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale, kuwaasi oo lagu taliyay in loo daayo siday ugu kala baxayaan hadday ahaan lahayd beeshooda dhexdeeda ama xisbiga gudihiisa.

Xoghana ayaa imanaya iyadoo Boqor Cismaan Buurmadow oo ah hogaanka dhaqanka ee Beesha bariga Burco mar uu madaxweynaha uga mahadnaqayay socdaalka ceerigaabo uu hadalkiisa ku daray “waxqabadkan xukumadda waxa dhalay xisbiga kulmiye kolay waxa la joogaa xiligii doorashooyinka in xisbiga kulmiye la dareemo weyaan olalihiisa Gudoomiyaha xisbiga kulmiye waa nin taariikh gaara nugu leh hadaanu nahay reer Sanaag,” ayuu yidhi Buurmadow, iyadoo hadalkiisan loo fasiran karo sidii musharaxa ula jecel yahay Muuse Biixi.

Waxaa xusid mudan in socdaalka bariga ee Madaxweyne Siilaanyo oo loo arkayay mid Ololeysan ay madaxweynaha ku wehelinayeen Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Khaarajiga iyo Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Kulmiye, taas oo loo arki karo inaan madaxweyne Siilaanyo u kala eexan ragga ilaa hadda hankooda muujiyay.

Xogo todobaadadii la soo dhaafay Wargeyska Geeska Africa helay ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo qorsheeyay sidii uu u caddayn lahaa inaanu musharaxa shanta sanno ee soo socda ahayn, islamarkaana uu damacsan yahay in wakhtiga ku haboon ee laga heshiiyo khilaafka Mucaaradka iyo xukumadda ee ku salaysan muddo kordhinta uu shaaciyay inaanu sharaxnayn, iyadoo durba kulamo duceedyo beelaysan ay yeesheen musharaxiinta hankooda hore u shaaciyay ee Kulmiye

Source: Geeskaggggg

News Related