Published:

Prof.-Axmed-Ismaaciil-SamatarHargeisa (Haldoornews)-Xisbiga Kulmiye ee Tallada Dalka Somaliland Gacanta ku Haya oo ay Hogaankiisa ku loolamayaan Xubno Baarqab ah oo ka Tirsan Tiirarka Xisbiga iyo Xubno Wasiiro ah ayaa Filayaa in Dhawaan lasoo Gabogabeeyo Muranka mudada dheer ka Taagnaa Musharaxa Rasmiga ah ee Xisbigu yeelan Doono.

Sida ay Haldoornews u Xaqiijiyeen ila Wareedyo ku Dhaw Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa Sheegay in Xisbiga Hogaankiisa Tartan Xoogan loogu jiro iyada oo Masuul waliba isku dayay inuu noqdo musharaxa rasmiga ah ee xisbiga,Xubno Tiro badan oo ka mid ah gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa Madaxwayne Siilaanyo la Qaatay Fikirka ah in Musharaxa Xisbigu Noqdo Pro.Axmed Ismaaciil Samatar oo uu Sheegay inuu noqon karo Shaqsi Somaliland iib gayn kara Beesha Caalamkana Xidhiidh Fiican la leh isla markaana Aan lahayn Godobo Siyaasadeed oo Beelaha Reer Somaliland ka Tirsanayaan Shaqsi ahaantiisa.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Xubno badani la Qaateen Fikirkaasi Madaxwayne Siilaanyo inkasta oo Beeshiisu aanay ku Qanacsanayn oo ay Doonayaan Musharax ka Soo jeeda Gobolka Maroodi jeex iyaga oo dhinacyo kale wax ka eegaya hoostana ka Xariiqaya Balamo ka Dhexeeyay Bahwadaagta Xisbiga kulmiye ee Deegaanada Woqooyiga iyo Galbeedka Hargiesa.

Pro.Axmed Ismaaciil Samatar oo isagana iluhu Tibaaxayaan in laga soo xigtay in uu Sheegay in Gobolada dalka oo dhan uu Cod fiican ka keeni karo isaga oo sheegay in Gobolka Gabileyna isagu dhalasho ahaan ka soo jeedo cid diidanina aanay jirin Musharaxnimadiisa walaw aanu si cad ubayaamin mawqifkiisa ku aadan arintaasi wakhti xaadirkan.

Pro. Samatar ayaa ku Doodaya inuu Wax ka badal ku samaynayo Qaabka loo wajahayo Siyaada Cusub ee xisbiga kulmiye iyo Loolanka uu ku hantiyi karo kursiga Dalka mar kale xisbiga kulmiye oo isticmaalaya waji Cusub oo Aqooni ku dheehantahay.

Arintan oo Dhawaanahan si Wayn looga hadal hayo Gudaha Xisbiga kulmiye ayaa noqon karta mid Baal cusub oo Siyaaseed u Furta Xisbiga kulmiye Bulshadana looga iib gayn karo wakhtigan Musharax Hankiisa iyo Hamigiisu ka duwanyahay Hogaamiyeyaashii Soo maray Somaliland.

Pro. Axmed ismaaciil Samatar oo Muddo afartan Sanno ku dhaw wax ka dhigayay Jaamacadaha Dalka maraykanka ayaa noqon kara Musharax Guul usoo hooya Xisbiga Talada haya ee Kulmiye isla markaana Beesha Caalamka Gaadhsiin kara Qadiyada Somaliland ee ictiraafka loo raadinayo 24 sanadood.

Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala Soco.

Haldoornews.com

Haldoornews@hotmail.com

Hargiesa/Somaliland

 

News Related