Mulkiilaha Shirkada micrsoft Mr. Bill Gates isla mar ahaantaasna ah ninka ugu qanisan dunidan aynu ku noolnahay ayaa sameeyey wax lagu farxo isla markaasna ayku farxaan dhamaan shaqaalaha shirkada Microsoft .
Shirkadaan ayaa balan qaaday inay siin doonto qofkii canug dhala oo ka mid ah shaqaaleheeda fasax waqti dheer ah isaga oo halka uu jooga ku qaadanaya mushaarkii uu qaadan jiray xiliga shaqada.
Microsft ayaa sheegtay in fasaxa uusan ku koobnayn kaliya dumarka balse raga xitaa ay sidoo kale helidoonaan fasaxaas taas oo niyada u qaboojisay shaqaalaha shirakadaan waxayna isla markaa kor u qaaday hamigooda shaqada.
Shaqaalaha shirkadaan ayaa lagu qiyaasaa 60 kun oo shaqaale marka laga hadalayo gudaha maraykanka waxaana haatan muuqanaya inay u soo jeesteen dhiiro galinta in shaqaaluhu ay dhalaan.