|
|||
Gabileynewsonline.com
Sedex Qodob oo Lama Huraan u ah Lamaanayaasha Saaran Doonida Caashaqa!!!!!
August 4, 2015 - Written by adminQof weliba oo soo Hanaqaado waxa uu lugta la galaa hirar cusub oo kaga iftiima Dunida Guudkeeda, sidaas Darteed labka iyo dhediga Doonaayo in ay hirkaas cusub kula Jaanqaadan Qaab ku saleysan niyad wanaag ayaa ah mid ay kaga fekeraan seddex arrimood oo kala ah Jaceyl………Farxad……………Kalsooni Sida aan la wada socono arimaha bulshada ka dhex taagan waa kuwa soo jireen ah, sidaasi darteed waa lama huraan in marka la helo seddexdan aan kor ku xusay.
Ogoow in lamaanayasha haddii ay marar badan u martiyaan buuq joogta ah waxaa markiiba soo degdega burburka jaceylka haddaba farxada waxa ay muhiim u tahay jiritaanka jaceylka salka ku haayo daacadnimada 3. Kalsoonidu iyana waa Tiir kale oo ku saleysan is afgaradka ka dhaxeeya Lamaanaha is doortay Micnihiisuna yahay Xaqiijin waxaay lamaanuhu wada unkeen waxaa kaloo la oran karaa waa silsilada xoojisa waxa ka dhaxeeya lamaanaha is calmaday Daraasaad la Sameeyay ayaa Tusaale loo soo qaatay in Labada Lamaane ay la Mid Yihiin laba Ruux ku kulmay meel keyn ah oo aan ka cidina joogin waxey ahaataba waxaa lama huraan ah in ay isku saan darsadaan si ay isu weheshadaan saacadaha ay dhex jibaxayan keynta cidlada ah haddaba waxaa isweydiin mudan maxey tahay waxa ay labaduba u baahan yihiin waa su’aal marag ma doonta ah in ay u baahan yihiin kalsooni, marka sidaasi si la mid ah ayaa tusaale loogu soo qaadan karaa in lamaane unkay xiriir jaceyl in meesha aysan ka marneyn kalsooni Hadaba seddexda shay ee Jaceylka, kalsonida. iyo farxada. waxaad Garan kartaa waa aasaaska albaabada mustaqbalka Haddii aad tahay mid ku mashquulsan gogol xaarka guri mustaqbal iska eeg seddexdan qodob ee aan kor ku soo xusnay.
COMMENTS
|
Latest News
|