|
|||
Gabileynewsonline.com
Sports:Ciyaar Faraha la isaga Guban Doono oo Dhex mari Doona kooxaha uu Ficilka xoogani ka Dhexeeyo ee Chelsea VS Arsenal
August 2, 2015 - Written by adminTartanka kubada cagta Ingariiska ayaa soo laabanaya maanta marka ay iska horyimaadaan kooxda heysata horyaalka Premier League ee Chelsea iyo kooxda ku soo guuleysatay koobka FA Cup ee Arsenal iyagoo Wembley ku ciyaari doona koobka Community Shield ee daahfurka u ah xilli ciyaareedka Ingariiska. Ciyaartaan ayaa la ciyaarayaa 64 maalmood ka dib markii Gunners ay xilli ciyaareedka maxaliga ah ku soo gabagabeysay guul 4-0 oo ay ka gaareen Aston Villa finalkii FA Cup. Midkoodna labada kooxood ciyaartoy badan kuma aysan soo darsanin xagaagan inkastoo goolhaye Petr Cech uu u safan doono Arsenal kulankiisii ugu horeysay ee tartan rasmi ah isagoo ka horimaanaya kooxdiisa hore ee Chelsea. Chelsea ayaa sidoo kale iyadana fursad siin doonta saxiixeeda cusub ee xagaaga Radamel Falcao oo isna la filayo maanta inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay. Falcao oo 29 sanno jir ah ayaa amaah ku qaatay xilli ciyaareedkii hore Man United laakiin amaahdiisa waxa ay ku dhamaatay si niyadjab leh isagoo dhaliyay kaliya afar gool 29 kulan uu saftay. Waxa uu heshiis amaah hal sanno ah kaga soo wareegay Monaco xagaagan, halka Chelsea ay sidoo kale Stoke City ka soo iibsatay goolhaye Asmir Begovic. Waxa uu bedelayaa Petr Cech oo 33 sanno jir ah kaasoo 494 kulan u saftay Chelsea 11 xilli ciyaareed uu joogay Stamford Bridge ka hor inta uusan 10 milyan ginni ku wareegin bishii June. Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in weeraryahan Diego Costa iyo daafaca Gary Cahill ay labadaba taam yihiin ka dib markii xagaagan walaac laga qabay taam ahaanshahooda. Xafiiltan soo cusboonaaday: Mourinho v Wenger
Kulanka maanta ayaa ka dhigaya inay isku dhacaan labo kooxood oo waa weyn oo Premier League ka dhisan, iyadoo tababaraha Arsenal Arsene Wenger uu isku dayi doono inuu markii ugu horeysay abid ka badiyo koox uu tababare ka yahay Jose Mourinho. Wenger ayaan weli wax guul ah ka dhadhaminin Mourinho 13 kulan oo ay iska horyimaadeen, waxaana labada tababare ay durbaba xagaagan hawada isku marsiiyeen hadalo kulkulul. Mourinho ayaa soo jeediyay in Arsenal ay qarashgareysay lacag ka badan inta ay qarashgareysay Chelsea sannadihii ugu danbeeyay, halka Wenger uu kaga jawaab celiyay “Ma dhageysto waxa ay dadku ku fekerayaan ama ay dhahayaan.” Maalintii jimcaha Mourinho ayaa ku celiyay aaminaadiisa ah in Arsenal ay si dhab ah xilli ciyaareedkan ugu tartami karto horyaalka laakiin waxa uu hoos u dhigay xafiiltanka kala dhaxeeya Wenger. Waxa uu yiri: “Waxba micno ah iima lahan guusha Arsenal, wax micno gooni ah iima lahan guusha tababaraha. “Marnaba farxad gooni ah ama faan gooni ah ka sameynin guulaha aan ka gaaray Arsenal. Mana sameyn doono drama haddii maalin uun nagala badiyo.” Taas bedelkeeda Wenger ayaa soo jeediyay in saxaafada ay jeceshahay Mourinho: “Waxaan idiin kaga tagayaa sheekada jaceylka ee aad la wadaan isaga anigoo sii wada inaan idiin qasin.
“Ma doonayaa inaan idiin qaso.” Kulanka: Arsenal v Chelsea Garoonka: Wembley
Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika
source:Laacib
COMMENTS
|
Latest News
|