Tacsi – Guddoomiyaha KULMIYE Tacsi Tiiraanyo leh udriya Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay alle Ha unaxariistee Marxuum Ciise Garaad Soofe
August 1, 2015 - Written by admin
Ujeeddo: Tacsi
Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo dhammaan ilma Garaad Soofe, geerida Marxuum Ciise Garaad Soofe Dooraan oo ku geeriyooday dalka Denmark (01/08/2015).