War Cusub: Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Xabsiga la Dhigay ka Dib safarkii uu Muqdisho kaga soo Laabtay.
August 2, 2015 - Written by admin
Hargeysa(Haldoornews)-Fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland Nimcaan Cabdi Xasan (Nimcaan Hilaac),ayaa goor dhawayd lagu xidhay Madaarka Magaaladda Hargaysa,ka dib markii kasoo laabtay Shaw Suugaaneed uu Ciiddii kusoo dhigay Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Dalka Somaliya.
Ila hadda si cad looma oga sababta Xadhiga Fanaanka.Balse Ilo-wareedyo ka ag-dhaw Kooxda Xidigaha Geeska oo uu Fanaanku ka tirsan yahay ayaa Oodweynenews u sheegay in laga yaabo in loo haysto Tagi-taankiisa Magaaladda Muqdisho oo todobaadyo ku sugnaa.
Fanaanka,ayaa mudooyinkii danbe waxa uu bandhig faneedyo ka dhigayay Dalal badan oo Caalamka ah,walina kamay Hadal arintan Laamaha Amaanka iyo Masuuliyiinta Xidigaha Geesku.