Hargeysa(Haldoornews)-Munaasibadan oo ah mid aad u balaadhan kana dhacaysa hoolka weyn ee hotel guuleed ee magaalada hargeysa , oo ay soo qaban qaabisay xukuumada madaxwayne silaanyo .

Munaasibadan oo ah mid sanadkasta ay xukuumada u samayso dadka qurbe jooga ah ee dalka u soo xagaa baxay . ayaa ka mid ah meelaha  ay xukuumada silaanyo ku baabiiso dhaqaale badan oo laga soo ururiyey dadka masaakiinta ah ama cashuurta bulshada kala duwan. Munaasibadan oo sidoo kale rajo u noqota dhalinyaro badan in ay wadanka ka tahriibaan si iyaguna sanadka dambe ay uga mid noqdaan dadka loo samaynayo casho sharafta ee la casuumayo ,waxaana xafladani sidoo kale a galaafataa da’yar badan oo ku geeriyoota meelaha saxaraha ama badana.

Iyadoo haatan ay bulshadu ugu magac dartay magaca qurbe joog. Tahriibaha maantu waa qurbe jooga bari. Taasi oo haatan dad badan u muuqata oo aad arkayso dhalinyaro badan oo sanadadii la soo dhaafay wadanka ka baxday caawana ka mid ah dadka ay xukuumadu casuuntay oo run ka dhigaysa eraygaasi ah “tahriibaha maantu waa qurbe jooga bari”

Hadaba su’aasha la is waydiinayaa waxay tahay xukuumadu dhalinyarada wax ma u tartaa mise way dishaa oo laysaa oo badana ku ridaa ama saxaraha ha ku dhintaane. Waxaanay arintaasi karaahi iyo dhib badan ku haysaa dad badan oo danyar ah oo caruurtoodu tahriibeen oo laga dalbado in ay soo shubaan kumanaan dollar oo iyagana karaahi iyo dambi wayn ay ubadkaasi waalidkood ka galaan.

Xafladahan aan bulshada dhaqaalaha ku reebin nafaha da’yartana dishaa qaar aanay xukuumadu wax qorshe ah u samaynin oo arimahaasi aan soo sheegnay lagaga hor tagi karo.

Haldoornews.com

Haldoornews@hotmail.com

Hargeysa office

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here