|
|||
Gabileynewsonline.com
Xukuumada Silaanyo oo ku Fashilantay Joojinta Bacaha oo Madaxwayne Silaanyo-na Dhawr Jeer Digreeto ka soo Saaray.
August 11, 2015 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland, ayaa 14-kii April ee sannadkan soo saaray Wareegto uu ku mabnoocay iibinta, soo dejinta iyo adeegsiga Bacaha kala duwan ee alaabooyinka kala geddisan lagu qaato ama dadku ku adeegtaan, kuwaasoo uu Wareegtadiisa ku xusay inay dhibaato ku hayaan deegaanka iyo bilicda magaalooyinka dalka. Sidaa awgeed, waxa Madaxweynuhu Wareegtadiisa ku sheegay cid kasta oo ka ganacsan jirtay oo dalka dibeddiisa ka keeni jirtay ama gudaha waddanka ku farsamayn jirtay jaanis waxa u yaalla ay ku dhammeeyaan si aanay u khasaarin la siiyey wakhti dhan 120 dharaarood ama maalmood, kuwaasoo haatan dhammaanaysa 13-ka bishan August 2015-ka ee aynu ku jirno, waxaana ka hadhsan waqtigaas muddo laba maalmood ah. Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay Saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in muddadii Madaxweynuhu u qabtay mabnuucidda Bacaha dhammaad tahay, sidaa awgeedna ciddii lagu arko nooc kasta oo Bacaha Balaastigga ah tallaabo laga qaadi doono, isla markaana laga gubi doono ganacsade kasta oo sharciga fulin waaya. “Waxyaabaha ugu badan ee Nadaafad-darrada dalkeenna iyo bilic la’aanta dalkeenna ugu wacan iyo weliba nabaad-guurka waxaa ka mid ah Bacahan aynu isticmaalno ee Qaadka lagu rito ama Dumarku ay ku adeegtaan ama Bulshada inteeda badani waxyaabaha yar-yar ee ay qaadanayaan ka dhigteen Sallad ay ku qaataan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiir Waran-cadde oo ka sii hadlaya dhibaatooyinka Bacaha iyo go’aanka laga gaadhay, waxa uu yidhi; “Dhibaatooyinka ay la yimaaddeen Bacahaasi waxa weeye 1- inay bii’addii iyo dhirtii qabsadaan, in dhulkii wax ka soo baxayey ay qabsadeen, inaan cimiladu dhaqso u cuni karin, taasina waxay keentay inaynu dib uga tashanno oo Bacdaas la joojiyo oo aan dalka la keenin, si dadkeenna iyo dumarka farshaxanka ah ee reer Somaliland-na uga helaan shaqo in iyaga Jaanis loo siiyo si ay wax uga helaan, si Dumarkeenna farsamo-yaqaanka ah ee danyarta ah weliba ay sameeyaan, wixii lala qaban karana lala qabto.” Gebo-gabadii Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo si gaar ah ula hadlaya Ganacsatada Bacaha ka shaqaysata, waxa uu yidhi; “Markaa, Bacdaa waa la joojiyey, Wareegtaa Madaxweynuhu ka soo saaray, Wasaaradda Ganacsiga iyo Annaguba (Wasaaradda arrimaha gudaha), wuu dhammaaday wakhtigeedi. Markaa, waxaannu doonaynaa wixii hore ee dhirta saarnaa iyo dhulkaba aan ka qaadno, wax dambena aan la isticmaalin. Sidaa awgeed, waxaan maanta (shalay) doonayaa inaan ogeysiiyo Ganacsatada ka shaqaysata Bacaha wixii laga bilaabo xilliga loo qabtay Bacda (13-ka bishan) ka bacdi inaan cid loo cashuurayaa jirin, in laga gubi doono ciddii soo dejisa, mabnuucna ay tahay in la iibiyo.”
Haldoornews.com Hargeysa office haldoornews@gmail.com
COMMENTS
|
Latest News
|