Munaasibad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaaana ay qaban qaabadeeda lahayd Wasaarada Arimaha Dibada JSL ayaa  ka qabsoontay  Hotel guuleed taasi oo lagu macsuumay Qurba jooga sanadka wadanka yimi, waxaana xafladaasi kasoo qeyb galay  masuuliyiin isugu jira Xukuumada iyo Golayaasha sharci dejinta  qurba jooga dalka, Munaasibadan waxaa  ka hadlay masuuliyiin badan oo mudanayaal ka tirsan labada aqal baarlamaan, xubo ka socday qurba jooga.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta ahna Afhayeenka Dawlada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa qurba jooga warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo waxa qu qabsoomay shanta sano ee xukuumada siilaanyo,  Wasiir cukuse ayaa xusay  in Dawladnimada Somaliland jirtay  rubuc qarni sidoo kalena shantaa  sanadood ee xukuuma Axmed siilaanyo jirtay ay qabatay waxaan dalka ka qobsoomin 20-kaa sano ee aynu soo jirnay,  mudane cukuse wuxuu shacabka qurba joogaa kula dardaarmay inay  markasta ka qeyb qaataan  horumarka iyo ilbaxnimada wadanka kuna soo kordhiyaan xirfadaha iyo aqoonta ay kasoo faaidaan dalalka ay joogan wuxuu uga digay inaanay dhegaysan    dadka iyo warbaahinta uu ku tilmaamay Tuushka balse oo had iyo jeer  ka  been sheega horumarka wadanka iyo nabda ka tis qaaday  ay xaqiiqsadaan waxay ku arkeen indhahooda  dalkana ay soo wada maraan soo eegaan horumarka ka taaba qaaday wadanka .

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji  Xasan oo isna halkaasi hadal kasoo jeediyey ayaa  u mahad celiyey dadka  kasoo qeyb galay madasha wuxuuna xusay in qurba joogtu ay keelin ku leeyihiin  horumarka wadanka, sidoo kalena u baahan yihiin dhiiri gelin  isagoo dhanka kale xusay inay jiraan abaaro iyo biyo la,aan loo baahan in laga wada qeyb qaato, Wasiir xirsi ayaa  hoosta ka xariiqay inaan wali qurba joogta Somaliland laga hayn  qaadhaankii wadada ceerigaabo ee ay lana qaadeen   marka laga reebo wax ka yar hal million oo dollar,  Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu xusay inay sanadkii hore dalka yimaadeen qurba joog gaadhaysa 16,000  oo qof kuwaas oo  ka ugu yari uu tigidhka kusoo goostay  $1000 hadii laysu wada geeyana  wadar  ahaan noqonaysa  16,00,0000-million  lacagta xadigaasi leegna hadii loogu deeqi lahaa wadada ceerigaabo sida uu ka dhawaajiyey wasiirku waa dhamaystirmi lahayd isla sidoo kalena Wasiir xirsi wuxuu qurba joogta Somaliland ku  booriyey  hindisaha samaynta diyaarad  Somaliland Airline oo dadka reer Somaliland yeeshaan isagana gooshta wadamada aduunka iyadoo faaiido u ah qaranka manfaceeduna dalka geli lahaa  halka  magacageena iyo  lacankeenuba gaadhi lahaa aduunyada badankeeda waa sida uu hadalka u dhigayee.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixe Yoonis  Iyo Kuxigeenkiisa  oo iyaguna madashaasi hadalka isaga daba maray ayaa ka sheekeeyey taariikhda Wasaarada armiaha dibada Somaliland iyo marxaladihii  soo martay, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa si qoto dheer uga hadlay tan iyo wakhtigii uu yimi xafiiska Wasaarada armiha dibada  sidii uu uga hawl galay qadiyada Somaliland iyo siyaasada arimaha dibada ee ku salaysan qadiyada ictiraaf raadinta  isagoo xusay inay meel wanaagsan marayso islamarkaana dunida  Somaliland maanta la leedahay macaamil wanagsan ,  dhanka kalena wuxuu sheegay inay fureen xafiiskii hay’adda qurba jooga Somaliland isagoo faray shacabka qurba joogaa inay la shaqeeyaan xafiiskaasi, Mudane Biixi wuxuu halkaais ka balan qaaday inay xoojin doonaan shaqada siyaasada Arimaha dibada.

Si kastaba ha ahaatee munaasibadan loo qabtay qurba jooga Somaliland ee ay  qaban qaabadeeda lahayd Wasaarada khaarajiga Somaliland ayaa   lagu soo bandhigay masraxiyado kala duwan iyo suugaan xanbaarsanayd  horumarka qaranka  iyadoo laba kooxood ee  Fanaaniinka Qaranka  iyo Xidigaha Geeskuba halkaasi  kusoo bandhigeen heeso ka turjumaya hananka horumarka Somaliland ugu danbayntiina waxay madashaasi kusoo idlaatay  jawi degan oo xalisoon.

isku soo wada duuboo waxaa Maalmihii ugu danbeeyay Biyo la,aan loogu Dhintay Gobolo ka mid ah somaliland oo Abaaro ba,ani ka jirto, waxaana Haraadan iska daa somaliland oo dadwaynaha jaarka la ah madaxtooyada somaliland oo jirikaamo loogu dhaaminayaa iyada oo madaxtooyadii xaflada dibiro dhacsi ah ku dhiiri galinayso tahriibta dhalinyarada somaliland

Haldoornews.com

contact@haldoornews.comIMG_1565 IMG_1605 IMG_1623 IMG_1727 IMG_1730 IMG_1736

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here