Published:

London (GNOmurashax)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan oo dhawaan ku dhawaaqay Inuu isu Taagayo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoo ka Mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa la soo weriyey inuu iska Casilayo Xilka uu haatan hayo ee Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta,Maadaama aanu Sharcigu u Ogolayn in isagoo ah Shaqaale dawladeed uu Jago Siyaasi ah doonto.

Agaasime Maxamed Ilka Case oo ka soo laabtay Gudashada waajibaadka Xajka ee Sanadkan ayaa Markii uu dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee hargaysa waxa uu fasax ka qaatay Wasaaradda Warfaafinta isagoo Shirar Googoos ah la Yeeshay Xubnaha ka soo Jeeda Beeshiisa ee ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Shakhsiyaad ay Saaxiibo dhow Yihiin.

Ujeedadda Kulamadaas ayaa la soo weriyey inay ku qotonto sidii uu ugu qancin lahaa xubnaha ay shirarka wada yeesheen hankiisa gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana ay u badhi taageeri lahaayeen.

Warar Xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyadii uu Agaasimaha Guud Kulanka la yeeshay ay ku qanceen sidii Taageero buuxda ay ula Garab istaagi lahaayeen inuu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale tan iyo markii uu soo baxay dhawaqa uu Agaasimaha Warfaafintu ku shaaciyey hankiisa cusub ayaa waxaa geesta kalena bilaabmay Xubno ruclo ugu Jira sidii ay u buuxin lahaayeen Jagada uu ka tagayo ee Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta,Warar lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in Muwaadin Qurbejoog ah in badana olole xoogan Uk uga sameeyay Xisbiga Kulmiye xiligii uu Mucaaridka ahaa oo Agaasime Ilka case ay Isku Jufo hoose ka soo Jeedaan uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa oo Nasasho ku Jooga Uk Kulan la Yeeshay isla markaana u Gudbiyey Sidii loogu magacaabi lahaa Xilka uu banaynayo Maxamed Cilmi Aadan.

Si kastaba ha ahaatee Go’aanka Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan uu ku shaaciyey inuu u taagan yahay Murashaxnimada Gudoomiye ee Xisbiga Kulmiye ayaa loo arkaa Mid Saamayn Taban ku yeelan doona Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

News Related