Published:

Waxa aynu la soconaa in dalku iyo dadkuba aanay degin tan iyo xiligii Kulmiye dalka taladiisa la wareegay. Kuwaasoo ay ugu horaysay dagaalkii kalshaale ee labada shacab ee wada degaa uu dagaalku ka dhex qarxay dawladu wax ay qaboojiso iska daayee dabay ku sii shiday. Waxa aynu la wada soconaa beelaha galbeedka degena in uu xidhiidhkoodii sii kala fogaaday.

Dhacdooyinkaa iyo qalalaasaha ay xukuumada Siilaanyo iyo casaabada ku xeerani  ay dalka galiyeen ilaa imikana ku wadaan wax qoraal lagu soo koobi karo maaha. Dhacdooyinka ugu dambeeyey waa boobka xaaraanta ah ee ay hantida ummada ku hayso iyadoo ku jirta qaadhaan uruursi inta yar ee uga hadhay mudada ay kororsatay ee xaaraanta ah

Dhacdooyinkaa hantida ummda la sii iibsanaayo iyadoo aan dal iyo dadtoona loo danaynayn waxa ka mid ah Haamaha shidaalka ee sida xaaraanta ah ee aan shirci iyo xeer loo maray toona jirin si inqilaab ah saq dhex lagu wareejiyey dhowr shirkadood oo madaxtooyadu lug ku leedahay, shaqaalihi ka xoogsanaayeyna la dareeriyey. Waxa see ka sii daran ashkhaasta ay adeegsanayso ee gobolka Saaxil ka soo jeeda ee aan xaqa iyo baadilkaba kala garanayni iyo cida ay u adeegayaan. Waana labada nin ee lagu magacaabo laba Cali, Cali gadhdheer howgu sii darnaadee.

Cali gadhdheere haduu in uu dhamiir leeyahay ama xasuustiisu wanaagsantahay waxa ugu filnayd in uu ogaado wixii ku dhacay inaadeerkii Cabdilaahi Abokor oo ahaa guul wadaha ugu wayn ee isna loo soo adeegsanjiray gobolka uu ka soo jeedo markii uu ahaa wasiir ku xigeenka arimaha amniga. Cabdilaahi waxa loogu abaal guday in saqdhexe RRUda loo dalbaday isagoo reerkiisa iyo caruutiisa la hurda ee aan la xeerin waxa uu casaabda u soo qabtay.  Calow ogow taariikhdu isma masaxdee ku cibro qaado inaadeerka Cadilaahi Abokor oo waliba dhagaro badan dawladan indha la ee qabiilku indha tiray ugalay, abaalkiisuna uu noqday in la garaaco, la bahdilo, iyo jeelka Mandheera uu lagu tuuro. Taariikhdaa laba Calow ogaada.

Dawladan shicibkeeda dagaalka ku haysay, bal u fiirsada hadaan in yar dub ugu noqo Haamihii shidaalka iyo shaqaalihii ka shaqaysanaaye. Bal maxaa lagu eryey shaqaalihii masaakiinta ahaa ee waxoogaaga ka qaadanaayey Haamaaha. Dal faqiira oo 80% shicibkiisu uu bilaa shaqo yahay maskaxda siisay eri ma maskax fayowbaa. Jawaatu waa maya, waa maskax cudur, xaasidnimo, colaad ay ka buuxdo. Waxa aynu ognahay in ay dhalinyaradii wadanku ay badaha isku shubeen camal la’i aawadeed,  dawladan cadowga ahina midhadhkii kalahaayey ayey debede u tuurtay iyadoo ka fekeren inta qof ee ku dulnooleed qofkaa shaqada debeda looga tuuray.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa ummada reer Soomaaliland talo weyn ayaa u taala marka doorashada la gaadho cida ay talada iyo mutaqbalkooda u dhiibayaan ilaahay kasakow. Haday rabaan shan sano  dambe oo booba, dulinimo ah, shaqsi nacayb, gobol nacayb, nin jeclaysi, qabiilaysi iyo cadaalad daro, how codeeyeen Kulmiye. Hadii kale se, how codeeyeen labada xisbsi ee kale kay dantooda u arkaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq;

Axmed Maxamed Saleebaan. axmed maxamed saleeban

News Related