Published:

Wararka laga helayo ilo-wareedyo ku dhow-dhow Taliska sare ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo iyagu codsaday in aan Magacyadooda la sheegin,

Hargeysa(GNO)-Wararka laga helayo ilo-wareedyo ku dhow-dhow Taliska sare ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo iyagu codsaday in aan Magacyadooda la sheegin, ayaa tibaaxay in Taliska sare ee Boolisku qorsheeyey isku day lagu maagan yahay in tallaabo looga qaado Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Xildhibaan Obama), ahna Gudoomiyaha Guddida Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Ummadda ee Golaha Wakiilada. Waxa kaloo, wararku intaa ku darreen in fulinta isku dayga qorshahan loo xilsaaray saraakiil ka tirsan Ciidanka CID-da, wallow iluhu ka gaabsadeen inay xusaan Magacyada iyo tirada xubnaha loo asteeyay inay hawlgalka soo dhamaystiraan. Geesta kale, sida iluhu tibaaxeen hawlgalkan damaciisu, waxa uu ka dhashay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin, kadib markii Xildhibaan Obama hadal Sabtidii Toddobaadkan uu ka jeediyey Hotelka Guuleed ee Magaalada Haregysa, kaasoo Xildhibaanku ku cadeeyay in Golaha Wakiilada la horkeeni doono Mooshin ka dhan ah cidda bixisay amar Hotelka Maansoor loogu diiday xaflad ay ku qabsan lahaayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye, hase-ahaatee loollanka kula jira garabka uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, arrintaas oo sida xoggaha lagu sheegay baqa ku abuurtay saraakiisha Ciidanka Booliska ee amarka bixiyey iyo kuwii fuliyey inta-ba. Sidoo kale, waxa la sheegay in Xildhibaanku caadeystay arrimo isugu jira daba-gal iyo faafinta fadeexaddo ka dhan ah Xukuumadda taladda haysa. Tallaabadan ayaa haddii ay dhacdo waxa ay noqon doontaa hab-dhaqan hor leh oo kusoo siyaaday Somaliland, iyadoo sidoo kalena, cid kasta oo arrimaha noocan ah isku daydaa aanay mahadin doonin, sababo la xidhiidha dhaqanka bulshada reer Somaliland oo ah mid ka gedisan kan Koonfurta Soomaaliya ee suuqyada lagu toogto ciddii loo baahdo. –

News Related