Published:

Koox looga shakiyay in ay Al-shabaab yihiin, ayaa ku weeraray kolonyo gargaar meel u dhow Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya, iyaga oo afduubtay shaqaale gargaar.

Shaqaalaha gargaar ee la afduubtay oo Kenyan aheyd iyo shaqaalahii la socday, ayaa ku jeeday xero qaxooti markii ay weerareeen rag aad u hubeysan.

Sarkaal boolis oo madax ka ah goobta uu afduubka ka dhacay, ayaa BBC-da u sheegay in kuwa weerarka soo qaaday ay sidoo kale wateen gaari ay laheyd hay’adda gargaarka Windle-trust oo kolonyada ka mid aheyd.

Ururka Alshabaab, ayaa sheegay in aysan haatan wax hadal ah bixineynin.

News Related