Published:

kijaandhewaxaan ahay Murashax u tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, Murashaxiinta kale maanta ayaannu kulmaynaa oo aannu ka wada-hadlaynaa danaha  KULMIYE

Hargeysa(GNOKijande) Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee u tartamaya jagada Madaxweyne-nimo ee Shirka golaha dhexe ee Kulmiye, ayaa faah faahin ka bixiyey kulan ay la yeesheen Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Mudane cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, isaga iyo labada Murashax ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Murashax Axmed Cabdi Kijaandhe oo xalay khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in aanay ku kala kacin Madaxweyne kuxigeenka Kulanka dhex maray, balse ay ku balameen kulan kale, waxaanu yidhi “Shirkaasi midho dhal muu ahayn, kumanaan soo kala kicine dib ayaanu uga ballannay shir dambe, waxaanu ka hadlaynay murashaxan Kulmiye Guddoomiyaha u ah ee Kaadhadhka bixinaya ee warbaahinta ka sheegay ee Xubnihii Golaha dhexe ka baxay bedelaya, taas oo ah mid aah sharciga waafaqsanayn, Nin Murshax ah ayaa Golihii dhexe isagu samaysanaya oo abuuranaya gole dhexe oo uu isagu leeyahay, taas ayaanu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka oo aanu uga digaynay, waxaanu la kulanay Madaxweyne ku xigeenkii oo isaguna murashax ah Madaxweynihii dalkana ah oo ku simihii ah, hogaankii xisbigana ka tirsan, ayaanu u sheegaynay arrintan”

Murashax Kijaandhe, waxa uu sheegay in ay Madaxweyne kuxigeenka kala hadlayeen cabasho ay ka qabaan qaabka loo maamulayo Shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxaanu yidhi “Waxaanu nagu yidhi Caawa (Xalay), ayaanu is arkaynaa hogaanka Xisbiga oo go’aan ka gaadhaya arrintan ayuu nagu yidhi, anagana noomay cuntamin arrintaasi waananu eegaynaa waxa ka soo baxa, tan la leeyahay kaadhadhka keena Guddi qaban qaabo ayaa eegaysa, Murshaxa Xisbiga ee isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga shaqadiisa maaha taasi, Liiska Golaha dhexe-na maaha kii ay Maxkamaddu go’aamisay oo dad ayaa ka baxay, ama Waddani galay, ama dhintay ama shaqooyin kale helay, markaa isaga ayaa bedelaya oo dad dhiiga laga qaaday haddii aydaan Muuse taageersanayn idin siin maayo ayuu odhanayaa, waana dadka lagu buuxinayo ciddii ka baxday Liiska sharciga ah, waxa la isku hayaana waxa weeyaan taas iyo metelen xubin golaha dhexe ah ayaa Wasiir noqotay nin kale ayuu siinayaa oo uu isagu leeyahay, haddii ay diidaanna Maxkamadda ayaanu tegaynaa, markaa kulankaas wax wanaagsani kama soo bixin”

 

Murashaxa u tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), waxa beeniyey oo wax-ba kama jiraan ku tilmaamay War been abuur ah oo ay qoreen qaar kamida warbaahintu, kaasoo ay ku sheegtay innuu u tannaasullaayo Murashaxa Maxamed Biixi Yoonis.

Dhinaca kale, Xildhibaan Kijaandhe oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda Hadhwanaagnews.com, waxa uu sheegay in Warka ay jariirraddaasi qortay uu ahaa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waxaannu sheegay inaanay weedha noocaas ahi afkiisa ka soo bixin, isla markaanna aannu garanayn halka ay jariirradaasi ka keentay.

Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waxa maanta jariirrada Somalilandtoday ku soo baxay War been abuur ah oo meel ay ka soo xigatay aan la garanayn oo sheegaya inaan u tanaasullaayo Murashaxa kale ee Maxamed Biixi Yoonis, anigu warkaas maan sheegin, hankayga iyo damacayganna cid aan uga tanaasullayaa ma jiro, sidii hawlahaygu u socdeen ayay u socdaan waxaan ahay Murashax u tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, waxaanan qabaa in jariirraddaasi ay been cad qortay, warbaahintunna maaha inay qorto wax aanay hubin, waayo samcaddeeda iyo kalsoonida lagu qabo ayaa meesha ka baxaysa, markaa waxaan kula talin lahaa inaanay caadaysan wararka beenta ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Kijaandhe.

Waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Murashaxiinta kale beri ayaannu kulmaynaa oo aannu ka wada-hadlaynaa arrimo khuseeya Golaha dhexe iyo danaha Xisbiga KULMIYE, runtiinna waa niman aannu xidhiidh fiican leennahay oo siyaasadeed iyo mid saaxiibtinimo uu naga dhaxeeyo.” Ayuu ku soo xidhay hadalkiisa.

News Related