Published:

Hargeysa(GNOwarsaxafed)October-15-2015-  Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Kulmiye si fiican u qabsado shirkiisa golaha dhexe. Waxaanu xisbigu meesha ka saaray inaanay jirin cid ay gaar u taageersan yihiin.

 

:Jamhuuriyada Somaliland waa dal dimuqraadiya  ah. isla markaan leh hanaanka xisbiyada badan, xisbi walbana waxaa ku waajib ah  in uu qabsado shirkiisii Golaha dhexe si loo soo xulo musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee uga qayb gelaya doorashooyinka.

Xisbiga  KULMIYE waa xisbi Qaran oo umada Somaliland ka dhaxeeya, sida aynu la wada socono waxax dhawaan (10 November,2015) qorshaysan inuu qabsoomo shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

 

Xisbiga WADDANI wuxuu rajaynayaa in shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Waxa xusid mudan in aan xisbiga WADDANI kala jeclayn cidda ka soo baxaysa, isla markaana  cid gaar ah taageersanayn, waxa aannu diyaar u nahay in aan tartan xor ah oo xalaal ah la gallno cid kasta oo ay soo saraan Gollaha dhexe ee xibiga KULMIYE,” sidaasi ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

 

Warkan Xisbiga Waddani wuxuu ka dambeeyay hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo saxaafaddu u dhigtay in xisbiga Waddani ka walaacsan yahay inay doorashada 2017 la tartamaan Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, taas bedelkeedana ay jeclaan lahaayeen musharax ay kaga guulaystaan doorashada.

 

“Waxaanu qabnaa hadii aanu Waddani nahay, Marka sidaa loo eego cida kasoo dhexbixi karta Kulmiye, ninkaa aan soo salaamay (Maxamed Biixi Yoonis)waa ninka khatarta nagu ah hadaanu Waddani nahay, markaa hoosta waxaanu ka jeclaan lahaynba cidaanu ka helno inay soo baxdo,” Ayuu yidhi Mr Rayte

 

News Related