Published:

 

5t1Hargeysa(GNO) Wasiirka Wasaaradda biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac ayaa Maanta Cadho kaga Maqnaaday Munaasibad lagu dhagax dhigayey Dhise loo dhisayo Wasaarada Biyaha ee Somaliland, Dhismahan oo uu dhagax dhigay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici balse  Wasiirka ayaan  ka  soo qaybgalin, markii wasiirka la waayey ayaa waxa  Madaxweyne  Ku-xigenka la dhagax dhigay Agaasimaha Guud ee Biyaha.

Wararka aanu ka helayno ka maqnaasha Wasiirka ee Munaasibadaasi ayaa waxay sheegayaan in wasiirku ka cadhooday Falkii lagu sameyey Wasiirka Caafimadka Saleeban Xaglatoosiye, kaasi oo badiba Xubnaha Beelaha Harti kaga jira Xukumada ka cadhooden, Wasiir Baashe ayaa la  sheegay in uu ku jiray Xubno madaxweyne Siilaanyo garnaqsi ula tagay kuwaasi oo madaxweynaha waydiiyey sababta uu u soo  kala dhaweystay Saylici iyo Xaglatoosiye wakhtigii lagu jiray shirkii golaha dhexe ee Kulmiye..

Warark aanu ka helayno arrintaasi ayaa la sheegaya in wasiirku diiday xafladaasi markii loo sheegay in uu Madaxweyne Ku-xigeenku dhagax dhigayo, wasiirka  ayaa ku sugan magaalada Hargeysa.

News Related