Gabileynewsonline.com
Laanta Socdaalka Oo Hawlgalo Baadhis Ah Xalay Ka Fuliyay Magaalooyinka Waaweyn Laanta Socdaalka Oo Hawlgalo Baadhis Ah Xalay Ka Fuliyay Magaalooyinka Waaweyn
November 19, 2015 - Written by admin

Hargeysa(GNO)-Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa xalay hawl-galkii ugu balaadhnaa ee baadhis ah ka samayee gobollada Dalka Somaliland oo dhan, ka dib markii uu sidaas amray wasiirka arrimaha gudaha.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa (Maxamed Canbaro), oo xalay geeska Afrika u waramay ayaa sheegay  sheegay in hawl-galkan balaadhan laga fuliyay gobalada  Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay ku sugayaan amaanka sidoo kale ay kula dagaalamayaan Tahriibayaasha. “Waa jiraa hawlgalku, waxana lagu sugayaa amaanka iyo socdaalka sharci darradda ah oo waa mid aanu caadiyan sameyno anaga oo fullinayna waajibaadkayaga guud iyo sidoo kale amarka Wasiirka Arrimaha gudaha, Horena waxaanu hudheeladda u faray inaanay ogolan in hudheeladooda ay seexdaan dad aan sidan Aqooni, Islamarkaana aanay ka reebin raad-raac iyo telefoonka cida ay u socdeen ama ujeedadooda.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha waxaana uu qiray in hawl-galkan oo aad loo dareemay uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay inay ka wadaan isku mar xalay dhammaan gobalada. Wuxuu sheegay inay askar ka tirsan socdaalka ay ku kordhiyeen goobaha kaantaroolada ah ee magaalooyinka.

Hoteelada magaalada Hargeysa oo ay baadheen ayay iyagana ku amreen inaanay seexin karin dadka reer Somaliland ee aan waraaqaha cadaymaha ah haysan. Wuxuu taliyuhu sheegay inuu amarkan bixiyay wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade.

 

COMMENTS
Latest News