Gabileynewsonline.com
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo ka Cadhooday Maamuus xumo ay kala kulmeen ciidamadda Kililka Shanaad ee Itoobiya
November 18, 2015 - Written by admin

 

Askarta Madaxweynaha Kililka ayaa   Riixmo iyo Ulayn Isku Daray Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,  iyo Muuse Biixi Cabdi,  waxaanu falkaasi sababay inay ka soo cadhoodaan Aaska.

Dhacdadani markii  ay dhacday ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ka daba yimi kadib markii loo sheegay siday wax u dhaceen, hase yeeshee waxa laga celiyey kantaroolka Somaliland

Wajaale(GNO) Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Kililka shanaad ayaa qaab anshaxa ka baxsan ula dhaqmay masuuliyiintii somaliland ee shalay ka qayb galay Aaskii Marxuum Axmed Xasan Cawke, kuwaasoo ay ka hor istaageen goobtii xabaasha Marxuumku ka qodnayd markii salaadii Jinaasada lagu soo tukaday kadib.

askarta Madaxweynaha Kililka ayaa kala tuuray masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cirro iyo Muuse Biixi Cabdi, qaarkood na Ul la dhacay, waxaanu falkaasi sababay inay ka soo cadhoodaan Aaska.

Dhacdadan markii  ay dhacday ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ka daba yimi kadib markii loo sheegay siday wax u dhaceen, waxaanu isku dayey in uu ka soo talaabo xuduudka oo ay markaas masuuliyiinta Somaliland ka soo gudbeen, hase yeeshee waxa laga celiyey kantaroolka, inkasta oo uu markii danbe soo talaabay raaligalina ka bixiyey wixii dhacay.

COMMENTS
Latest News