Gabileynewsonline.com
Afar Sabaabood oo aanu Tanaasulkiisu isku Eekaysinkarin Madaxwayne Siilaanyo Halyeygii Nelson Mandela /By Kamaal Axmed Cali
November 19, 2015 - Written by admin

Maalin Axad ah oo ay ahayd 7dii Julaay 1996kii ayaa uu Nelson Mandela kaga naxsaday dadkiisa kadib markii hadal uu ka jeediyey telafishanka dalkiisa ku caddeeyey in uu yahay madaxweyne xilli keliya oo aanu diyaar u ahayn in uu mar kale isu soo sharraxo doorashooyinkii la sugayey in ay dhacaan 1999ka.

Laakiin hadalkan uu jeediyey saddex sano ka hor doorashadu ma’ uu ahayn kii ugu horreeyey ee uu ku sheegay in aanu xilka madaxnimo mar labaad ku soo noqonayn, waayo isla waqtigii xilkan loo dhaarinayey oo ahayd sannadkii 1994kii, markii uu noqday

madaxweynihii abid ugu horreeyey dalkaas ee si dimuqraaddi ah loo soo doorto, waxa uu munaasabadda dhaarta ka sheegay in aanu qaadan doonin xaqa uu siiyey dastuurka Koonfur Afrika ee ah in uu mar labaad xilkan isu soo sharrixi karo.Dad badan oo maqlay in madaxweyne Mandela iskii uga tanaasulay hal xilli oo uu dastuurka dalkiisu u bannaynayey ayaa ay sheekadaasi ula ekaatay qisada tanaasulka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Kuwayow badan oo kalana iyaga oo og in labada qiso aanay isu ekeyn ayaa ay si badheedh ah maalmihii u dambeeyey u faafinayeen dacaayado ay isugu ekeysiinayaan tanaasulka labadan hoggaamiye, oo dabcan mid kastaa dalkiisa xurmo iyo karaamo ku leeyahay, mid kastaana aanu uba baahnayn in kan kale loo ekeysiiyo.

Haddaba si aynu madowga uga saarno kala duwanaanta labada arrimood iyo in aanu tanaasulka madaxweyne Siilaanyo ee xaqii uu u lahaa isu soo taagista doorashada la qoondeeyey sannadka 2017ku, kala mid dhigayn Mandela isla markaana labada xilli-xileed ee ay talada hayeen isu-ekaanshaha guud oo humaag ah wax u dheer oo la isula masayn karaa aanu jirin.

Aynu eegno Afar sababood oo ka mid ah sababaha badan ee keenaya in ay ay aad u kala duwanaadaan labada tanaasul ee labada hoggaamiye:

1. Waayaha jiray Xilliga ay xilka qabteen iyo dalalka ay kala hoggaamiyeen:

Mandela: Uma jeedno in aynu hadda ka waranno taariikhda dheer ee labadan dal oo gebi ahaantoodba kala duwan, balse waxa keliya oo xusid mudan in Madaxweyne Mandela uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey abid ee talada ku qabtay doonista dadka u badan dalkaas, isla markaana dalku uu ahaa dal muddo dheer ku soo hoos jiray xukun ku dhisan midab-takoor dunida oo dhami ka marag ahayd dhibta la gaadhsiiyey muwaadiniinta dhulka asalka u lahaa.

Waxa uu qabtay talada dal dadkiisa niyad ahaan, akhlaaq ahaan, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba loo burburiyey oo dullinimada addoonnimada la’ ogoleysiiyey. Dal is-garbin, cadaadis, cabudhin iyo duudsi badani ka jiray, waxa aanu ka dhigay dal horumar hiigsanaya, dhaqaaluhu si caafimaad qabta u kobcayo, dadkii madoobaa garteen xaqoodii, muwaadiniintuna madow iyo caddaan siman yihiin, nabad ku wada nool yihiin, isna cafiyeen. Taas oo haddii kelideed aynu sida ay tahay u daraasayno, aanu Mandela u baahanayn in wax-qabadkiisa kale aynu ka sheekayno.

Siilaanyo: Waxaa loo dhiibay dal 19 sano nabadi ka jirtay, itaal ay leedahayba dowladnimadu shaqaynaysay, marxalado badan oo adagna ka soo gudbay. Dal ay hortii soo mareen Saddex madaxweyne oo dhammaantood ku yimid doonista dadka kuna tegey doonistooda, sida uu doono ha u kala duwanaado habka loo maray ee. Dal Madaxweynihii u dambeeyey sidiisa oo kale doorasho sanduuqa codka lagu kala baxay xilka ku qabtay, doorashadii oo kalana ku tegey, isaga oo aan sheegan in uu yahay lama arag aan hore Afrika u soo marin.

2. Waqtiga ku dhawaaqista tanaasulka:

Mandela: Madaxweyne Mandela munaasabaddii loogu dhaarinayey xilka madaxnimo ee dalkiisa ayaa uu ka sheegay in uu xilkan hayn doono hal xilli oo keliya. Taas oo meesha ka saaraysa tuhunka markii dambe ka dhalan lahaa in sida aynu hore u soo sheegnay dad badani ka shakiyaan in aanu hawshii ay u doorteen qaban karin oo uu masuuliyad ka carar yahay. Sida oo kalana waxa uu ahaa waqti uu marka dambe ka dhigan karo xujo uu isku difaaco in bilowgiiba qorshayaashiisu ay ahaayeen kuwo uu ku saleeyey shantaas sano inta uu qaban karo uun.

Silaanyo: Madaxweyne Siilaanyo intii uu dhammaysanayey shantii sano ee xilligiisa koowaad loo doortay marnaba ma’ uu sheegin in uu xilka xilli keliya haynayo. Badhtamihii sannadkii 2014ka mar uu muran soo dhex galay xisbiga Kulmiye oo ay soo baxeen warar sheegayey in Madaxweyne Siilaanyo heshiis afka ah kula galay guddoomiye Muuse Biixi in hal xilli uu is sharrixi doono, waxa uu madaxweynuhu soo saaray war cad oo uu ku yidhi, “ … Arrinta Murashaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, ma jirin ballan noo dhaxeeyey aniga iyo Muuse Biixi haba yaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soo saaray in aan gudoomiyenimada ku wareejiyo marka aan ku guulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed” Mudane Siilaanyo waxa uu isla warkaas ku caddeeyey murashaxnimadiisa iyo in aanay fiicnaynba in cid xisbigiisa ahi kula tartanto, “Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan ku guulaystay, sharciguna wuxuu i siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaar baan u ahay cid kasta oo illa tartanta. Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kama qabo”

Marar kale oo badanna sidan oo kale ayaa uu u caddeeyey, madaxweynuhu in uu kalkiisa labaadna sharraxan yahay.

3. Sababaynta oo muhiim ah:

Sida aynu hore ugu soo aragnay qormadan, waxaa muhiim ah in sababta uu madaxweynuhu xilligiisa labaad uga tanaasulay ay noqoto mid maangal ah oo dadku uga garaabi karaan si aanu u noqon fulay masuuliyadihiisa ka ordaya.

Mandela: Isaga oo malaha taas garowsan bilowgiiba dadkiisa  waxa uuu sheegay maaganaantiisa halka xilli ah, haddana markii uu xilka ka degeyey waxa uu mar kale u sheegay sabab macquul ah oo la xidhiidha caafimaadkiisa iyo in da’diisa oo markaas 81 jir ahayd awgeed aanu xilkan culus sii wadi karin. Hadallo badan oo uu hawlgabkiisa kaga hadlayna waxaa aynu ka soo qaadan karnaa ereyadan, “Ma’ doonayo, in aan gu’ga Boqolaad gaadho, aniga oo weli xal u raadinaya qadiyado caalamiya oo kakan… Hadda kadib waxa aan naftayda ku tirin doonaa, muwaadiniinta gabowday in aan ka mid ahay …” waxa aanu ballan qaaday in uu ka shaqayn doono horumarinta bulshada reer baadiyaha ah iyo arrimaha bulshada. Isaga oo marar kalana fagaareyaal ka sheegay in inkasta oo dhakhaatiirtiisa, saaxiibbadii iyo qoyskiisu ka dalbadeen in uu qariyo, haddana uu qiranayo in uu taagan yahay kadinka jannada (Sida uu u yidhi), taas oo uu ugu duur xulayey in ay geeriyi hadhaysay, dad badanina u fasirteen in xaalad caafimaad oo adagi jirto.

Siilaanyo: Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey furitaanka shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo dhacay 10kii Noofambar 2015, ayaa ku dhawaaqay in aanu u taagnayn murashaxnimada labaad ee dastuurku xaqa u siiyey, waxa uu ku faanay in kalsoonidii iyo taageeradii uu ka haystay shacbigu aanay is dhimin, balse uu keliya ikhtiyaarkiisa uga tanaasulay murashaxnimadii xilligiisa labaad, saddex sababood awgood:

B. In uu fursad siiyo saaxadda mustaqbalkana u banneeyo siyaasiyiinta iyo saaxiibbadii sannadaha badan safka kula jiray.

T. In Kursi jacaylku cudur yahay, sidaa awgeed uu door bidayo in hoggaaminta dalka uu kaga dego qaab ka duwan sidii madaxweynayaashii hore ee Somaliland kaga tegi jireen, si ay tusaale ku dayasho fiican ugu noqoto kuwa dambe.

j.  Iyo “Si aan u dhamaystiro dhitada iyo dhaxalka aan muddada dheer soo dhisayey, waxaan door biday, in aanan wax damaca ku yeelan doorashooyinka soo socda, isla markaana aan noqdo oday guud oo dhex u ah guud ahaan Xisbiyada Qaranka, gaar ahaanna Xisbiga Kulmiye tartanka ka dhex socda”

Sababahan oo faaqidaadooda iyo dooddoodu u baahan tahay qormooyin kale iyo waqti kale, waxa aynu si kooban u odhan karnaa:

– Sababta koowaad waxaa diidaya sunnaha lagu yaqaanno siyaasadda dimuqraaddiga ah ee  ku dhisan, “Saaxiibtinimada siyaasaddu ma’aha mansabyo la isu hibaynayo, balse waa tartan iyo loollan, la isu calool xaadhan yahay geeddigana meel loo wada wado” Waa haddii aanay jirin sabab qasbaysa in hadyad loo bixiyo mansabka.

– Sababta Labaad waxa ay si cad u burinaysaa xaqiiqada looga bartay Somaliland tan iyo dhismaheedii. Madaxdii talada uga horreysay Madaxweyne Siilaanyo, marka laga reebo madaxweyne Cigaal oo qudhiisu laba jeer tartan adag u galay kursiga, geeriyoodayna isaga oo xilka haya, La Soco

 

COMMENTS
Latest News