Gabileynewsonline.com
Anigoo ku hadlaaya Afhayeenka Hogaanada dhaqanka ee Galbeedka Somaliland waxan leeyahay Suldaan Xiiray Haddaanad Horay u arag Muqdishu shaqsiyadaada waad ku tagi kartaa
November 23, 2015 - Written by admin

Ugu horayn waxan xaal golo jooga ka
Bixinayaa hadalkii ka soo yeedhay afhayeenka Xaafada New Hargeisa Suldaan Xiiray oo sheegta Afhayeenka Salaadiinta Somaliland,
Anigoo ku hadlaaya Afhayeenka Hogaanada dhaqanka ee Galbeedka Somaliland waxan leeyahay Suldaan Xiiray Haddaanad Horay u arag Muqdishu shaqsiyadaada waad ku tagi kartaa laakiin lagama yaabo in adigoo New Hargeysa Metalaaya aad ka Qayb gasho Shir somaliland Qayb ka tahay, barigii la qarxiyey Daarihii Maraykanka ayaa Nin ka soo jeeda Bariga Burco uu yidhi beeshayada ayaa ka dambeysay  hawl-galkaasi Eleven september balse nin ka soo jeede Galbeedka Burco ayaa yidhi waar tani tii la sheeganayey maaha,
Waxan leeyahay Suldaan Xiiray malaha Waligaa Diyaarad maad raacin oo dalxiis ayaad u jeel qabtaaye tani tii la sheeganayey maaha,
Waxa kale oo aan aad u hambalyeynayaa hadalkii ka soo yeedhay Suldaanka Guud Suldaan Maxamed oo runtii ahaa hadal ku Dhisan Aqoon, waayo Aragnimo iyo wadaniyad,
Gooni isu taaga Somaliland kumuu iman go’aan Shaqsiyaad balse wuxu ku yimid Go’aanka Shacabka Somaliland , imikana Go’aankeeda waxa iska leh Shacabka.
Dhaameelka Turkigana waxa ka sokeeya Qodxo badan balse waxa jawaab laga sugayaa Xukuumadu Mowqifka ay iska taagto Faragalinta Turkiga iyo Hadalka Suldaan Xiiray,
Dadbadan ayaa aaminsan in uu Suldasn Xiiray kalsooni ka haysto Wasiirka Arimaha Gudaha oo isagu u magacaabay Suldaan Xiiray afhayeenka Salaadiinta, balse waxa aan u sheegayaa Suldaan Xiiray xataa haddii ay timaado in la tago Turkiga Adigu Marnaba kuma jirtid cidda tagaysa , waayo Aqoon u ma lihid Sooyaalkii ummadani u soo martay Halkankii dheeraa ee dalkan loo soo maray Sidaas darteedna ma mudnid in aad ka hadasho Qadiyada Somallland, laga bilaabo maantana kuma hadli kartid Taytalka afhayeenka Salaadiinta,
Waxana Bulshadu ka dhulsugaysaa Jawaabta Xukuumadda iyo Xisbul xaakimku ka bixin doonaan hadalka  Suldaan Xiiray , waxanan filayaa in Suldaan xiiray uu qaaday jidkii Suldaan wabar.
Waxanad ogaataa Ciir Hawiye ciyaar laguma Dhamo Somalilandna Cid maanta laga laaluushayaa ma jirto ee khaatumada ha seegina
Wabillaahi towfiiq
By Garaad Mustafa Sh Abiibake
Afhayeenka Hogaanada Dhaqanka ee Galbeedka Somaliland

COMMENTS
Latest News