Published:

Daad la Tagay Dad iyo gadiid iyo Wadooyinkii Berbera iyo Hargeysa oo Khasaare soo gaadheen

  Hargeysa02dooxdoox01doox1Hargeysa(GNO) Dooxa AW-Barkhadle ayaa qaaday gaadhi noociisu yahay dhayne halka shan gaadhi oo kalena laga soo badbaadiyay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr oo nogoa waramay ayaa sheegay in Gaadhigan oo ay lahayd shirka Jaadka ee 571 ayuu dooxu qaaday xili uu isku deyay in uu ka gudbo  dooxa oo aad u rogmanayay

Maamulka iyo shacabka reer AW-Barkhadle ayaa dirqi ku soo badbaadiyay darawalkii gaadhiga waday iyo nin kale oo la saarnaa gaadhiga iyaga oo kaashanaya ciidanka booliska iyo cagaf-cagaf ay dowladda hoose ee Hargeysi u dirtay.

Dhanka kale waxa Roobabkii maanta Da’y gooyeen qaar ka mid ah waddooyinka isku xidha hargeysa iyo Berbera.

Boqolaal gaadhi oo u kala gooshi lahaa Hargeysa iyo Barbara ayaa ku xayiran laba daamood ee dooxa iyada oo wali ay socoto howsha gurmadkuHargeysa02doox3

News Related