Gabileynewsonline.com
Buug Cusub Oo Lagu Sheegay In Talada Somaliland Isku Haystaan Garabyo La Kala Socda Carabta Iyo Itoobiya
November 21, 2015 - Written by admin

bixin soo ururinaysa buuggan muranka dhalinaya …Kamaal A. Cali

Qaahira (GNO)- Ayman A Siisi oo ah saxafi iyo qoraa ka tirsan wargeyska caanka ah ee Al-Ahraam ee ka soo baxa dalka Masar ayaa dhowaan soo saaray buug uu u bixiyey, ‘29 maalmood oo aan Soomaaliya joogay’. Buuggan oo ka hadlaya arrimo muran badan dhalinaya ayaa uu Geeska Afrika ka diyaariyey warbixintan, kadib markii uu soo akhriyey warbixinno kala duwan oo qoraa Carbeed oo buuggan akhriyey ay kaga hadlayaan buugga iyo xogta uu sido.

Ayman A-Siisi waxa uu safarkiisa ka soo bilaabay magaalo xeebeedda Mukallah ee dalka Yemen oo uu sheegay in uu muddo ku sugnaa isaga oo raadinaya fursad uu ku helo doon u soo qaadda Soomaaliya, masuuliyiinta Yemen oo marar badan ka hor istaagayna ay markii dambe xabsiga u taxaabeen laakiin haddana ay sii daayeen oo uu halkii ka sii waday hawshiisa illaa uu ku guulaystay in uu helo doon.

Magaalada Boosaaso ayaa uu yimid, waxa aanu tegey magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Gaalkacayo, Garoowe, Eyl iyo illaa koonfurta shishe ee Soomaaliya, magaalada Kismaayo. Laakiin, qoraagu in kasta oo uu ka hadlayo Somaliland haddana dadka wax ka qoray buuggani ma’ay sheegin in uu dhinaca magaalooyinka Somaliland yimid. Ayman A-Siisi waxa uu buuggiisa ku qoray in intii uu joogay magaalooyinkaas Soomaalida uu hadba cid sheegan jiray, tusaale ahaan mar waxa uu sheeganayey in uu yahay Macallin Masaari ah, marna cilmibaadhe doonaya in uu wax ka qoro Dariiqadda Suufiyadda ee Soomaaliya, marar kalana waxa uu sheeganayey in uu yahay ganacsade adhiga ka shaqaysta oo indho-indhayn ganacsi u socda. Waxa aanu sheegay in dhowr jeer ay sheegashadiisani fashilantay, taasina keentay in mararka qaar la dili gaadhay, marar la isku dayey in la afduubo, marna sirdoon Soomaali ahi ay ku xidheen deked aanay dadka qoraalladan uu Geeska Afrika ka soo xigtay magacaabin.

Qisas badan iyo macluumaad ayaa uu soo ururiyey waxa aanu ku doodayaa in uu soo ogaaday in Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland uu ka socdo dagaal ka dhan ah carabnimada, kaasina uu qayb ka yahay waxa uu ugu yeedhay qorshe Kongareeska Maraykanku si qarsoodi ah u ansixiyey sannadkii 1983kii oo ahaa in dowladaha Bariga dhexe iyo dalalka Geeska Afrika laga dhigo dowlado yaryar oo fashilma. Qorshahaas oo uu sheegayo in dhinaca Carabta laga bilaabay dalalka Ciraaq, Liibiya, Suuriya iyo Masar oo loo socdo, dhinaca Geeska Afrikana laga bilaabay Soomaaliya iyo Suudaan. Ayman Siisi waxa uu ku doodayaa in uu dhex galay waxa uu ugu yeedhay gabboodka budhcad badeedka, oo uu soo ogaaday in Maraykanku uu taageero siiyo budhcad badeedda Soomaalida.

Buuggan oo toddobaad uun ka hor ay si rasmi ah u daabacday haayadda dalka Masar u qaabilsan faafinta dhigaalka ayaa uu qoraagu ku sheegayaa in uu dabagal ku sameeyey xidhiidh qarsoon oo ka dhexeeya Sirdoonka Maraykanka iyo budhcad badeedda Soomaalida, soona ogaaday in sababta taageerada Maraykanku u siiyo budhcad badeeddani ay tahay si uu indhaha dunida uga jeediyo hawlaha uu ka wado gudaha gobollada Soomaaliya ee qaybsan, oo ay ka mid tahay Maleeshiyo uu sameeyey oo ah Soomaali lacag uu ku dagay.

Qoraagu waxa uu isweydiinayaa “Suurtogal ma’ tahay in Ciidamada badda Maraykanka iyo dowlado kale oo waaweyn oo badda u yimid in ay budhcad badeedda la dagaalamaan ay awoodi kari waayeen in ay ka hortagaan budhcad badeedda Soomaalida oo khatar ku ah boqolkiiba 35 ganacsiga caalamiga ah? Mise dhaq-dhaqaaqan budhcad badeedda ee cabsida iyo afduubka badan geystay waa arrin si ku talogal ah u dhacaysa oo uu Maraykanku taageerayo si uu shirkadaha macdanta ee caalamiga ah uga didiyo dhulka Soomaalida ee ay ka buuxaan Shidaalka, Dahabka iyo Macdanta Yuraaniyaamtu, iyo in uu indhaha dunida ka fogeeyo hawlaha ka socda Puntland ee uu ku dhisayo ciidan Maraykanka taabacsan oo dhowr xarumood uu uga sameeyey Boosaaso iyo magaalooyin kale. Ciidamadaas oo uu Maraykanku maalgeliyo, khubaro milateri oo tababarka siiyana u soo diray. Ciidankan ayaa uu qoraagu ku sheegayaa in ay yihiin Saddex kun oo dhalinyaro ah, oo ay hoggaaminayaan tiro ka mid ah saraakiishii milateri ee dowladdii Siyaad Barre.

Arrinta yaabka leh ee buugga wariyahan ku jirta ayaa ah in uu ku andacoonayo in samaynta maleeshiyaadkan Maraykanka taabacsani ay qayb ka tahay dadaal uu doonayo in aanay mar labaad dhicin in Masar ay gacanta ku dhigto marin-biyoodka Baab Al-Mandab sidii dhacday bishii Oktoobar 1973kii.

Buuggan doodda badan abuuraya ee “29 Yawman Fi As-Soomaal” waxa uu qoraagu kaga waramayaa u kuur-gelid uu sheegay in uu ku sameeyey waxa uu ugu yeedhay dagaal adag oo lagu hayo Carabnimada iyo raadadka ay Carabtu ku leedahay Somaliland iyo Puntland. Waxa uu ku doodayaa in la isku dayayo in la mamnuuco ama la xakameeo waxbarashada carbeed iyo Barayaasha ay jaamacadda Al-Azhar u soo dirto Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland. Waxa aanu sheegay in wasiirro hore uga tirsanaan jiray dowladda Soomaaliya, ay u xaqiijiyeen in kooxaha taageera Fikirka Wahaabiga faafitaankiisa, iyo kooxaha Takfiiriyiintta loo yaqaannaa ay wadaan dagaal adag oo ay ku joojinayaan kaalinta ay Azhar ku leedahay taageeridda Carabnimada iyo Islaamnimada qunyar socodka ah.

Saxafigan Ayman As-Siisi oo u muuqda in hawsha uu u yimid Geeska Afrika ay xidhiidh la leedahay diblumaasiyadda Niilka ee Masar iyo Itoobiya, waxa uu buuggiisani ku sheegaya in xaalka Somaliland iyo Puntland ay gacanta ku hayaan sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil oo soo dhex maraya Itoobiya, arrintaas oo uu leeyahay waxa ay xidhiidh la leedahay waxa uu ugu yeedhay xeeladaha Itoobiya iyo isku-dayadeeda joogtada ah ee ay doonayso in ay ku harraadiso Masar. Waxa kale oo uu Itoobiya iyo sirdoonnadan uu magacaabay ku eedaynayaa in ay ka qayb qaateen hubaynta budhcad badeedda Soomaalida iyo qalabayntooda kale, illaa heer ay Budhcad badeeddu noqotay awood siyaasi ah oo dhaqaalaha badan ee soo gala awgii ay gacanta ku dhigeen Baarlamaanka Puntland, isla markaana nin hore budhcad badeed u ahaa ay ka dhigeenba guddoomiye gobol. Waxa kale oo uu buuggu sheegayaa in budhcad badeeddani ka gudubtay Soomaaliya oo xitaa ay dhex gashay amniga Yemen, hoyna ka dhigteen magaalooyin ay ka mid yihiin Mukalla, Cabdal-Kuuri iyo Suqadri.

Siisi waxa uu buuggiisan ku andacoonaya in Puntland gudaheeda ay ka dhex shaqeeyaan sirdoonno dalal kala duwan oo marar badan danahoodu is diidayaan, kuwaas oo adeegsada dumarka jidhkooda ka ganacsada, ganacsatada hubka iyo Qaadka.

Wargeyska Al-Ahraam ee uu qoraagu ka tirsan yahay ayaa si taxane ah u faafiyey qaybo ka mid ah buuggan oo uu cinwaan uga dhigay, “Al-Ahraam oo dhex gashay boholaha budhcad badeedka” Waxa aanu qoraagu buugga ku kasbaday Abaal marinta Dubai ee Warbaahinta Carbeed. Taas oo uu Ayman As-Siisi ku mutaystay kadib markii loo aqoonsaday Warfidiyeenka Carbeed ee sannadka ugu fiican dhinaca xog-baadhista.

Buugga 29 maalmood oo aan Soomaaliya joogay, qoraagu waxa uu kaga hadlaya sida uu ku bilowday waxa uu ugu yeedhay dagaalka Masar ka dhanka ah ee ka socda Soomaaliya iyo marxaladaha uu soo maray, waxa aanu sheegayaa in uu soo bilowday sannadkii 1957kii, markii magaalada Muqdisho meel fagaare ah lagu khaarajiyey Kamaal Salaaxuddiin oo ahaa safiirkii Masar u fadhiyey Qaramada Midoobey, waxa uu dagaalku soo maray kala-googoyntii Soomaaliya iyo in Israa’ii oo soo dhex martay saamaynta dalka Itoobiya ku leeyahay Somaliland ay gacanta ku dhigto marin biyoodka Baab Al-Mandab, iyada oo Itoobiya ay tahay dalka keliya ee aqoonsan Somaliland (Sida qoraag u dhigayo). Waxa aanu sheegayaa in Somaliland ay ka jiraan laba aragti siyaasadeed oo kala ah mid taageersan Carabnimada iyo mid taageersan Itoobiya, oo dusha ku xambaarsan Israa’iil iyo Maraykanka, waxa aanu ku andacoonayaa in dagaal adag lagu hayo fikirkaas Carabnimada oo dhinacna garabka Itoobiya taageersani kala dagaalamayo, dhinaca kalana garabka taageersan Fikirka xag-jirka ah iyo Wahaabiyiintu sida uu u dhigay isagu.

Qoraaga oo isku tilmaamay nin halis badan iyo miidaamo aanay hortii cidi ku dhicin u maray tegista xarumaha budhcad badeedka Soomaalida iyo soo helidda xogtan ayaa sheegay in uu soo xaqiijiyey in Maraykanku uu taageersan yahay dagaal ka dhan ah Afkacarabiga iyo Al-Azhar, horena uu dalka Itoobiya uga caawiyey ridista nidaamkii Siyaad Barre iyo waxa uu qoraagu ku sheegayo furfuristii Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay horudhac u yihiin qorshaha Maraykanku uu ku doonayo inuu beddelo khaririadda bariga dhexe iyo Geeska Afrika.

COMMENTS
Latest News