Gabileynewsonline.com
Daawo Wasiir Warancadde Oo Madaxdhaqameedka U Sheegay Inaan Suldaan Dambe iyo Caaqil La Caleema Saari Doonin+ Shuruudo Horleh
November 19, 2015 - Written by admin

 

Hargeysa(GNO)November-19-2015-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo dhawaan la hadlayay qaar ka mid ah cuqaasha Somaliland ayaa sheegay inay qaraar ka soo saareen habka loo dooranayo Caaqilka ama Suldaanka beel metelaya. Waxa uu sheegay inay hakiyeen inta la soo saarayo xeer qeexaya habka doorashada madaxda dhaqanka.

 

Dhaqanka Soomaalida, madaxdhaqameedka waxa doorta beesha uu metelayo, balse xukumadda ayaa haatan saamayn ku leh maadaama ay ka tirsan yihiin wasaaradda daakhiliga, islamarkaana kaadh aqoonsi la siiyo. Xukumadda ayaa dhinaca ammaanka kala shaqaysa madaxdhaqameedka.

 

Wasiirka Daakhiliga ayaa sheegaya in caaqilka la dooranayo shuruudaha ku xidhan ay ka mid yihiin in beeshiisu bixin karto 3 magood oo mar u soo wada hoyday, taasi oo uu ku macneeyay in ammaanka lagu xoojinayo, waxaanu tilmaamay in hore hal mag ay u ahayd shuruudu.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Daawo-Wasiir-Warancadde-Oo-Madaxdhaqameedka-U-Sheegay-Inaan-Suldaan-Dambe-iyo-Caaqil-La-Caleema-Saari-Doonin-Shuruudo-Horleh.html#sthash.HXvz939B.dpuf

COMMENTS
Latest News