Published:

 

 

sse

 

In mudo ah ayay Dalladu walaac ka qabtey halka iyo jihada looga baxayo wada-hadalka fashilmay ee  wakhtiyadan dambe lala wadey waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Maalmahan dambe waxaa warbaahinadu soo tabineysay warar iyo hadalo laga soo xigtey dad ka soo jeeda Somaliland oo qaar ku joogaan waddanka, qaarna Soomaaliya ay ku suganyihiin. Intuba waxay ku hadlayeen waxyaabo ama odhaahyo meel ka dhac ku ah Qaranimada Somaliland. Baaqan Dallada SSE wakhti kuma luminayso inay magacyo shakhsiyaad ay xusto xusto, balse waxyaabaha iyo duruufaha ku xeeran wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u baahan in la waadixiyo.

Waxa la soo gaadhey wakhti loo baahanyahay in dib loo jaleeco arrimaha wada-hadalkii iyo weliba in la mugdi saaro isla markaana lala yimaado istraatajiyad cad iyo mawqi toos ah oo mugdi saaraya waxyaabaha beryahan dhagaheena iyo dareenadeena ku soo dhacaya. Baaqan kooban inta aanaanu idiin soo gudbin dareenka ama fekerka aanu ka qabno bal marka hore aan idinla wadaagno inaynu dib-u-milicsano wada-hadaladii hore u dhacey iyo natiijooyinka ka soo baxay.

 

Wada-hadalada hore u qabsoomey

 

Waxaynu ogeyn markii la isugu yimid Shirkii caalamiga ahaa ee Somaliland ay kaga qayb gashay Magaalada London 23kii Febraayo sannadkii 2012kii, kaasoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay ka qayb galeen.Mid ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkaa caalamiga ah ayaa ahaa in wada-hadal u bilaabmo Somaliland iyo Soomaaliya si looga wada hadlo arrinka ama qadiyadda Somaliland ay dib ula soo noqotey madax-banaanideedii..

Somaliland meel adag ayay ka taagneyd in wada-hadal lala bilaabo Soomaaliya, balse si xujada beesha caalamka loo fuliyo ayaa Golayaasheena Qaranku Ogolaadeen in wada-hadal lala bilaabo Somaliland iyada oo loo igmaday in Xukuumadda Somaliland oo keliya ay arrinkaa wakiil uga tahay shicibka reer Somaliland.

Tan iyo wakhtigaa waxa qabsoomay shirar tiradoodu dhammeyd sagaal, kuwaasoo kii u horreeyay lagu qabtey London 20kii Juun 2012kii. Sagaalkaa shir oo kani ka mid yahay saddex ka mid ah waxa ka qayb galey Madaxweynayaasha labada waddan, kuwaasoo lagu kala qabtey Dalka Dubia 28kii Juun 2012kii, dalka Turkiga April 2013kii iyo dalka Jabuuti 20kii Diisambar 2014. Shantii kulan ee kale waxa lagu qabtey dalka Turkiga. Waxa xusid mudan in kulankii ugu horreeyay ee lagu qabtey magaalada London 20-21 kiin June inuu ka duwanaa kulanadii ka dambeeyay. Ugu horreyn waxa kulankan soo qabanqaabiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska oo ay wehelinayaan waddanka Norwey iyo ergey guud oo ka socdey EU. Waxa uu ahaa kulan culeyskiisa leh Dallada SSE waxay qabtaa dareen ah in kulankaa lagu lumiyey fursad dahabiya oo ina soo martey. Maadaam kulanka ay marti geliyeen labada waddan oo Yurub ah iyo ergey ka socda EU waxa khalad taariikhiya aheyd in ergadii ka socotey Somaliland ay ogolaatey markiiba in labada wafdi ay keligood ay arrimahooda wada xaajoodka ay iyagu dhammaysanayaan isla markaana aan loo baahneyn in cid weheliso. Waxa kale oo isna khalad taariikhiya ahaa in wada-hadaladii kaa ka dambeeyay uu waddanka Turkiga oo keliyi oo isugu ku keliyaystey oo abaabule iyo xidhiidhiyaba ka ahaa. Waxa la odhan karaa halkii ay markaa Somaliland is-dhigtey ayuunbaa lagula macaamilayay.

 

Maxaa hadaba ka soo baxay wada-hadaladaa Turkiga.

 

Inkastoo kulamada ay u dhaceyeen si siman, haddana waxa nasiib daro noqotey in wax kasta oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in Somaliland lagu wacad furey. Si wada xaajoodka labada dhinac aanu u noqon mi midho dhala aya Soomaaliya si badheedh uga baxdey dhammaan hab-maamuuskii iyo baratakoolkii loo dhigey in lagu wada-hadlo.

  1. Waxay markiiba jebiyeen wixii aasaaska u ahaa wada-haddalada oo ahaa in la iska ilaaliyo waxkasta oo carqaladayna ama wax u dhimanaya habsami socodka shirarka. Marka kulanada laga soo laabto dacaayado ka dhan ah qaddiyada iyo madax-banaanida Somaliland ayay mas’uuliyiintoodu ka hadli jireen.
  2. Waxay ka baxeen heshiiskii dhinaca hawada ee ay la saxeexdeen dhinaca Somaliland oo ay si maragma doonta ah u buriyeen.
  3. Waxay ka baxeen inay ilaaliyaan inta wada-haddaladu socdaan wax kasta oo xasaasiyada dhalin kara.

4.     Dowladda Soomaaliya marnaba diyaar uma aheyn in la gaadho halka ama qoddobka Somaliland danaynaysay inuu shirka uga soo baxo

News Related