Published:

Riyad(GNO)November-07-2015-Dawladdaha Boqortooyadda Sucuudiga iyo Emaaraadka Carabta, ayaa doonaya inay Saldhigyo Milatari oo Ciiddamada Badda ah ka sameystaan Magaalo Xeebeeda  Berbera ee Somaliland, iyaga oo hore ay labadan dal gacanta ugu dhigeen Soldhigyo Milatari oo ay ka kireysteen duleedka Dekedda ASSAB ee dalka Eritrea.

 

Qorshahan cusub ee ku saabsan Dawladdaha Boqortooyadda Sucuudiga iyo Emaaraadka Carabta danaha ay ka leeyihiin Geeska Afrika iyo inay Dekedda Berbera Xarun Milatari oo dhinaca Badda ah ka sameystaan, ayaa sida ay qortay Globalresearch waxa la sheegay in uu salka ku hayo dhawr arimood kuwaasi oo ay ka mid tahay in uu xumaaday isla markaana meesha ka baxay Ilaaqaadkii wanaagsana ee hore ugu dhexeeyey labaddan dal ee Sucuudiga iyo Emaaraadku ay la lahaan jireen dalka Jabuuti oo Safaaraddihii labadan dal ay ku lahaayeen ay xidhmeen ka dib markii xidhiidhkii diblomaasiyaddeed u kala go’ay, iyo inay labadaasi dal doonayaan inay dhinaca Geeska Afrika ka karantinimeeyaan colaadda Xuutiyiinta ee dalka Yaman oo salka ku sii haysa  dhinaca IRAN oo xifaltan weyni ka dhexeeyo Sucuudiga iyo Emaaraadka.

 

Waxa iyaduna jirta in Ciddamada qalabka Sida ee Imaaraadku ay si buuxda u Isticimaalaan Xarun Milatari dalkaasi oo ka Kireystay Mudo 30 Sanno ah meel ku dhegsan Maarsadda Dekedda ASSAB ee ugu weyn dalka  Eritrea oo hore uu u xumaan jiray Ilaaqaadka Sucuudiga iyo Emaaraadka uu la leeyahay balse mudooyinkii si weyn u soo hagaagay,

 

Iyada oo horaantiisanadka sida ay warbixin ay soo bandhigtay Qaramadda midoobay lagu tilmaamay ku dhawaad 400 oo Ciiddanka Milatariga Eritrean ahi ay ka degeen magaaladda Cadan si ay uga garab dagaalamaan Isbahaysiga Ciiddamada Sucuudiga iyo Emaaraadku ay kula jiraan Dagaalyahanadda Xuutiyiinta ee ay ku dagaalamayaan guddaha Yaman, waxaana u jeedada ugu weyn ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ka leeyihiin inay Dekeddaha Berbera ee Somaliland iyo Dekedda Assab ee waddanka Eritrea ay saddex arimood ka leeyihiin kuwaasi oo kala ah.

1.      Inay ka hortagto isla markaana kala ilaaliyaan  isku xidh ama Ilaaqaad dhex mara IRAN, Eritrea iyo Xuutiyinta Yaman, iyo inay sido kale hoos  u dhigaan suurto galnimadda inay dalka Iran wax hub ama Saanad Milatari ah u gudbiso Xuutiyiinta Yaman.

2.      Iyo qodobka 2aad oo ah inay Sucuudiga iyo Imaaraadku u isticimaalaan Dekeddaha ay ka mid tahay Assab ee dalka Eritrea Maarso ay kala degto wixii agab ah ee ay u baahan tahay khaliijka Carabta iyo Geeska Afrika dahana ay ka leedahay isku xidhi doonta iyada oo ay Assab sido kale isku sii xidhi doonto dalalka Sucuudiga, Emaaraadka, Yaman, Suudaan, Egybt iyo dalal kale oo mandaqada ku yaala.

 

 

3.      Qodobka saddexaad oo ah  sida warbixintan lagu sheegay in waddanka Sucuudiga ay Dekeddaha ay ka mid tahay Assab ay u noqon karto meel uu u dhex maro dalka Itoobiya oo ay Siyaasadda Xifaltan badani ka dhaxayso maadama oo ay jiraan Qoomiyado babadan oo dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya tabasho ka qaba sida deegaanadda Kililka Somalida, Oromadda, kuwaasi oo ay deegaanadooda qaarkood Maamusho Eritrea , maadama oo ay dawladda Itoobiya Siyaasad qalafsan kaga soo hor jeedo dalka iyo danaha Sucuudiga isla markaana kooxaha ay uga shakido Islaamiyiinta iyo inay ilaaqaad la leeyihiin Sucuudiga ay gacmo bir ah ku qabato ayaa lagu sheegay warbixintan inay Sucuudiga u noqon doonto daaqad ay Itoobiya ka galaan Saldhiga Milatari ee Dekedda Assab.

 

Globalresearch sida ay ka soo xigatay xogo lagu kalsoon yahay waxay u sheegeen in waddanka Imaaraadku uu mudo 30 Sanno ah ka Kireystay Xarun Saldhiga Milatari ah taasi oo u dhaw  Dekedda Assap oo ah Maarsadda ugu weyn dalka Eritrea, waxaana warbixintu sheegtay inay baahi weyn u qabto dawladda Imaaraadku helida dekeddo bariga Afrika ku yaala gaar ahaan geeska Afrika.

 

Xogahan soo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in dawladdaha Sucuudiga iyo Imaaraadku qorshaynayaan sidii ay iskugu balaadhin lahaayeen geeska Afrcika, iyagoo fullinaya danahooda ah ilaalinta masaaliixdooda gobolkan iyo xafidista ujeedooyinkooda ka dhanka ah waddamada xafiiltanku ka dhexeeyo. Labada dal ayaa qorshaynaya sidii ay saldhigyo military uga heli lahaayeen dekedda Berbera ee Somaliland.

 

 

https://youtu.be/9fwjrIONGE8

News Related