Published:

Dawlada somaliland waxaan farayna iney fiira gaar ah u yeelato wasiir abgaal ayna la xisaabtanto hadaladii uu ka dhaxyidhi caleemasaarkii suldaan fure taasi oo cadeynaysay taageerada buuxda ee uu u hayo suldan wabar iyo kooxdiisa isaga oo ku tilmaamay geesiyaal niman qaran dumis ah oo dalka rabay iney dhibaato u geystaan.

Suldaanka uu amaanaayo wasiir abgaal waa kuwii hal bil ka hor ciidamadii qaranka ku laayey magaaalada borama iskuna dayay iney gobolka khalkhal galiyaan makaasbaa ah in la amaano ama lagu sheego geesi wanaagsan arintaasi waxaan u aragnaa iney tahay mid qaldan waxaa uu ku hadlay wasiir abgaal.

Hadaan nahay dadka qurbaha degan ee ka soo jeeda gobolada awdal,salal iyo gabiley waxaan aad iyo aad uga xunahay in dabiilihii sheegtey suldaanka hadana nin wasiir ka ah somaliland uu ku sheego geesi arintaasi maaha mid aan qaadan karno maaha mid aan aqbali karno maaha mid naqabata maaha mid ku haboon dadkayaga maaha mid aan yeeleyno.

Suldan wabar iyo kooxda tirada yarle ee raacdey markii ay itaal wax ku yeeli wayeen gobolka ayey go,aansadeen iney isa soo dhiibaan waayo? Wadakale oo u banaan majirto oo aan ahayn iney isku soo dhiibaan ciidanka qaranka somaliland markaa wasiir abgaal waxaan leenahay waxba habuunbuunin suldaankaaga adigu aad dirsatey.

Dawlada somaliland waxaan leenahay waa inaad maxakamad soo taagtaan suldaan wabar iyo kooxdiisa oo aad xisiga u taxaabtaan dabiilayaasha isku dayey iney dalka wax yeelaan.

Qofku markuu degaan yahay ayuu cid wax yelaa laakiin nin aan degaan ahayn wuxuu noqdaa sidaas suldaan wabar oo kale rina geeskamaridi karo kamana rididoono.

By ahmed jama ismail
Ahmed999@hotmail.com

News Related