Published:

Golaha Degaanka Tower Hamlet ee Bariga magaaladda London oo ictiraafay Somaliland iyo kulankii xalay ee lagu ictiraafaayey.Daawo Sawiro

IMG_2557
IMG_2571
Xalay oo ay taariikhdu ahayd 18/11/2015 Councilka Tower Hamlet ee ka tirsan magaalada London ayaa taageeray citiraafka Somaliland halkaas oo ay Xildhibaan Amina Axmed Ali oo ka tirsan Xildhibaanada golaha degaanka ee Tower hamlets ay keentay Motion ay ku dalbanayso in Councilkeedu uu Citiraafo oo taageero qadiyadda Somaliland. Waxa muuqatay in Xildhibaan Amina ay xisbigeeda oo ah xisbiga labourka, ahna majoretiga councilka Tower Hamlet iyo xildhibaanada xisbiyada kaleba hore uga sii dhaadhicisay oo ay aad uga dhereg sanaayeen qadiyadda Somaliland diyaarna u ahaayeen taageerida motion-ka, oo ay usii wada qornaayeen khudbadihii ay halkaa ka akhrin lahaayeen.5
Xildhibaan Amina Ahmed Ali oo ah Xildhibaanad da’ yar, aad u firfircoon, aqoon badan, hawlkar ah waxa cajiib ahaa diplomacy-ga ay isticmaashay iyo qaabka ay u wajahday si loogu guulaysto qadiyadan citiraafka Somaliland oo cadaw badan leh, oo marar ka qaarkood farsama xumo reer Somaliland gudohooda ahi ay dhib u keeni karto.
 Xildhibaan Amina waxay dooratay in ay motion kan councilka ugu keeento sidii arin deg-deg ah, oo macneheedu yahay agendaha councilka waxa lagu daray motionkan markii uu shirku bilaabmay ooh ore ugumuu sii jirin. Laakiin waxaad arkaysay Xildhibaan Amina in ay arinta oo dhan hore u sii diyaarisay, oo xataa wefti wasiiro ah oo goob joogayaal ka ahaa ay ka dalbatay Hargeysa, Somaliland communitygana ay u sii sheegtay saacadda shirka, in Somaliland la citiraafayo iyo dhamaan sida wax u dhici doonaan oo dhan.1


IMG_2434
IMG_2536
IMG_2439
IMG_2445IMG_2446IMG_2447IMG_2448IMG_2450IMG_2451IMG_2453IMG_2454IMG_2455IMG_2456IMG_2457IMG_2458IMG_2460IMG_2462IMG_2464IMG_2466IMG_2467

IMG_2491IMG_2492
IMG_2508IMG_2510IMG_2511
IMG_2513IMG_2515IMG_2516IMG_2517IMG_2518

IMG_2521IMG_2523IMG_2524IMG_2525IMG_2526IMG_2527IMG_2528IMG_2529IMG_2530IMG_2531IMG_2532IMG_2533IMG_2534IMG_2535IMG_2536IMG_2537IMG_2538
IMG_2540IMG_2541IMG_2542IMG_2543IMG_2544IMG_2546IMG_2547IMG_2548IMG_2550IMG_2551IMG_2553IMG_2554IMG_2555IMG_2556IMG_2557IMG_2558IMG_2559IMG_2568IMG_2569IMG_2570IMG_2571
IMG_2573
IMG_2575

News Related