Gabileynewsonline.com
Guddoomiye Cirro oo Sheegay in uu Dhawaan Banaynayo Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
November 27, 2015 - Written by admin

Guddoomiye Cirro oo Sheegay in uu Dhawaan Banaynayo Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

in kasta oo ay ahayd in ay diwaangalintu bilaamanto Bishan  November, balse waxa hakad  uu galay lacagtii deeq bixiyaasha, laakiin xogta aanu hada helaynaa waxa weeyi in lacagtaasi la helay

Cirro Hargeysa(GNO)Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu dhawaan banayn doono kursiga Guddoomiyenimada Golaha wakiilada ee Somaliland.

Cabdiraxman Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Sida uu u arko Prof Cabdisalaan Yaasiin oo dhawaan ku dhaqaay in uu yahay Cabdiraxman Cirro kula tartamidoono Xisbiga ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo tartan la galysa.

Guddoomiye Cirro sidoo kale wuxuu xisbiga Ucid ugu baaqay inay khilaafkooda ku dhammaystaan shuruucdooda iyo hab walaaltinimo leh, isagoo sidoo kale sheegay in wixii shuruudo ah ee ay ku xidhaan isbahaysiga Kulmiye ay Waddani ahaan fulinayaan.

Guddoomiye Cirro waxa uu sidaasi ku  sheegay Waraysi uu Shallay siiyey Badri Koosar oo ka Hawlgala STARTV.

Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ugu horeyn ka jawaabay su’aal laga waydiiyey wakhtiga uu banayn doono Guddoomiyenimada Golaha wakiilada waxanu ku jawaabay sidan. “Waa Hubaal in aan banaynayo golaha wakiilada, wakhtigeedu wuu soo dhaw yahay,  wakhtiga ku munaasibka ayaan ku dhawaaqayaa haddii Illaahay yidhahaado”Ayuu yidhi Cirro.

Waxa kale oo la waydiiyey in sida uu u arko Prof: Cabdisalaan Yaasin oo ku dhawaay in uu yahay Murashax u Tartamaya Madaxweynenimada Xisbiga Waddani dhexdiisa, iyo sida uu u arko in xisbiga lagula taramo waxnau yidhi. “Xisbigu waa Xisbi dimuqraadi ah wax kasta oo uu dhigayo xeerka Xisbiga iyo xeerarka Jamhuuriyada Somaliland oo muwaadinka xaq u siyey qofku xaq buu u leeyahay, marka hala gaadho wakhtiga murashaxnimada, laakiin anigu ma jeceli in aan suuqa iska sii sharaxo, Musharaxnimadayduna waxay iman doonta wakhtiga shirka”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko dib u dhac aku yimid Diwaangalinta Codbixiyaasha Waxanu yidhi. “doorashada waa la mudeyey oo waxay dhacaysaa Bisha March 2017-ka , in kasta oo diwaangalintu in ay bilaamanto November ay ahayd, balse waxa hakad  galay lacagtii deeq bixiyaashu bixinayeen, laakiin xogta aanu hada helayaa waxa weeyi in lacagtaasi la helay, diwaangalintu ay bilaamayso wakhtiga ay inoo sheegan Komishanku.

Waxa kale  oo la waydiiyey in ay ka cabsi qaban in doorashadu dib u dhacdo iyo in kale. “Anigu boqolkiiba boqol doorashadu way dhacaysaa ayaan aamin sannahay, laakiin ma jirto wax carqalad ah oo doorashada hor istaagikarta oo ii muuqda ma jirto”Ayuu yidhi Cirro

COMMENTS
Latest News