Gabileynewsonline.com
Gudoomiyaha  cusub  ee Degmadda Togwajaale oo bilaabay dardar horleh Waaxdii dhulkana Isbedel ku sameeyay cabasho badan ka dib
November 22, 2015 - Written by admin

Gudoomiyaha Degmadda Togwajaale Mudane Cabdicasiis Saleebaan ayaa bilaabay Hawlo uu ku Derder gelinayo Degmadda Togwajaale ee ah Magaalo ganacsi si Xawli ah u shaqeysa kobcaysana maalinba maalinta ka danbeysa .

Maayar cabdicasiis saleebaan waxaa uu der dergeliyay laamihii Dawladda hoose ee Degmadda Togwajaale oo bilahan ugu danbeeyay aad shaqadoodu loo dhaliilayay gaar ahaan Waaxda Dhulka oo uu isku bedel ku sameeyay ka dib markii Dadweynaha degmadda Togwajaale ee loo adeegayo ay si weyn uga cawdeen muranka dhinaca dhulka ee soo foodsaaray sanadadan ugu danbeysay taasi oo sababtay markii ugu danbeysay heer gacan ka hadal ah taasoo dadweynuhu iyo ganacsataddu ay aad u saluugeen khilaafka dhulka ee ka dhashay halkaasi taasoo isku durug durug badana ka dhacay magaaladda Togwajaale taasoo Maxkamaddii kala saari lahaydna ay xidhantay sida ay ii xaqiijiyeen Dad goob joog ka ahaa halkaasi.

Gudoomiye Degmadda Togwajaale Mudane cabdicasiis saleebaan oo xilka kala wareegay Aaden shine ayaa ah Masuul in badan ka mid ahaa Guddida Ganacsatadda ee degmadda Togwajaale kana warhayay in badan Horumarka iyo hawlaha degmaddaasi oo Dib u dhac weyni ka muuqday Horumarkii uu Xaashi maxamuud cabdi maayarkii hore ee Wajaale uu bineeyay ee ahaa waddooyinka Lixda ah ee laga sameeyay uu ahaa Maayarkii bineeyay isaga iyo Odayaasha magaaladda Togwajaale iyo weliba Ganacsatadda Guddidooda oo wada jira wixii ka danbeeyay Xaashi Maxamuud cabdi dib u dhac weyn ayaa ka muuqda Degmaddaasi Ganacsi inkasta oo ay xukuumaddu ay qorshaheeda wadday Hawlihii Biyo laaneed ee ka jiray keentayna agabkii hawshiina Socoto stadiumka wajaalena wuxuu ahaa waxqabadkii Gudoomiye xaashi gudoomiyihii hore waxqabad iska daaye waxaa shidaalkii goostay Dakhtarkii weynaa ee Wasaaradda Caafimaadku ay tacabka weyn gelisay iyadoo maalintii la dhameystiray ay maamulka Dawladda hoose ay ballan qaadeen usheegeena wasiir xaglo toosiye wasiirka caafimaadka inay shidaalkiisa mishiinkiisa iyo Waddadiisa dakhtarka inay dawladda hoose kafaala qaaday balse tii maydhicin ee dakhtarkii wuu xidhmi gaadhay kol haddii uu Goostay shidaalkii .

Haddaba Maamulka Cusub ee Degmadda Togwajaale waxaa horyaala hawlo badan waxaanaynu odhan karnaa maanta Hawshii ugu horeysay gacanta ayuu ku bilaabay kuwa kalena halkaasi ayuu kasii ambo qaadi doonaa Maadaama habqankii maamul uu qaarkood meesha ka saaray kuwo kalena wuu guddo geli doonaa waxaana ka mid ah Wakiilka xukuumadda u fadhiya kaasi oo ah Xoghayaha Dawladda hoose oo isagu intaaba dugsanayay Hawlaha baylaheed ee meesha ka jira sida ay iisheegeen Magaaladduna waa nin aad isku qarqarin badan oo hawl kasta iska qariya oo timaada maahana degmaddu meel hawlaha yimaada ee shaqo qofka masuulka qarinaysa degmadda wajaale judhiiba waa la ogaanayaa bal aynu eegno hawlaha kasoo kordha degmadda kala soco gabileynewsonline wararkaayaga danbe

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Email Mahamad95@hotmail.com

Gabileynewsonline.com

COMMENTS
Latest News