Gabileynewsonline.com
Gudoomiyihii Hore ee Garabka Haweenka ee Xisbigii UDUB ee Degmadda Berbera kana mid ahayd Xildhibaanadii u sharaxnayd Golaha deegaanka ururkii dalsan Hadana kamid ah xisbiga Kulmiye oo Hambamyo u Dirayaysa Masharaxiinta xisbiga Kulmiye
November 25, 2015 - Written by admin

Gudoomiyihii Hore ee Garabka Haweenka ee Xisbigii UDUB ee Degmadda Berbera kana mid ahayd Xildhibaanadii u sharaxnayd Golaha deegaanka ururkii dalsan haatana ah Xubin firfircoon oo ka mid ah Xisbi xaakimka Kulmiye garabka haweenka degmadda berbera ee Gobolka Saaxil Marwo Samsam Aaden saleebaan ayaa dhambaal Hanbalyo ah u dirtay Labadda msuaharax ee dhawaanta lagu doortay shirkii Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga kulmiye Mudane Muuse biixi cabdi iyo Musharaxa madaxweyne kuxigeenka Mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici .

Marwo Samsam aaden saleebaan oo khadka telefoonka ugu waramaysay Shabakadda caalamiga ah ee GABILEYNEWSONLINE.COM iyadoo ku sugnayd degmadda Berbera ayaa waxa ay sheegtay kuna sifaysay doorashadaasi inay ahayd mid si cadaaladeed u dhacday islamarkaasna aad ay ugu diirsadeen sida loosoo abaabulay iyo sida ay u qabsoontay.

 waxaanay intaa raacisay inay degmadda Berbera ay tahay mid si weyn looga taageersanyahay xisbi xaakimka kulmiye waxaanay sheegtay inay aad uga cadhoodeen hadalo cali laangadhe oo ka mid ah waddani aflagaadooyin uu u jeediyay madaxtooyadda dhawaan waxaanay sheegtay inay ka xaal marinayaan hadaladdaasi meel ka dhaca ah ee lagula kufay madaxtooyadda iyo garabkooda Haweenka ee Kulmiye ee uu ku sheegay cali laagadhe xafladdii dhawaan ay ka qaybgaleen inay dadkaasi ahaayeen dad lacag Toban kun oo doolar la siiyay uu ku sheegay Cali laangadhe oo ah nin mucaarid ah waxaanay Samsam aaden saleebaan warkaasi ku sheegtay mid xaqiiqada ka fog islamar ahaantaana ay iyadu xilal badan soo martay ahayn markii ugu horeysay ee dawlada jirta inay taageeraan ama xafaladahooda ka qayb galaan aanay ahayn markii ugu horeysay Deegaan kastaana xaq u leeyihiin inay muujiyaan taageeradooda madaxda qarankana inaanay wanaagsanayn in la aflagaadeeyo ayay tidhi Marwo samsam .

waxay ugu danbeyntii Hanbalyo iyo bogaadin u dirtay Marwo Aamina sheikh maxamed jirdeh oo ah Marwadda koowaad ee Madaxweynaha Somaliland tahayna qof Gobolkan saaxil u dhalatay Horumar balaadhana ka qabatay intii Madaxweynaha qaranku taladda haystay waxaanay ku boorisay nimanka Mucaaridka ah ee u dhashay gobolka saaxil inay ka waantoobaan xajiimaynta Haweenka Gobolka Saaxil iyo inay ka sheegaan wax xaqiiqadda ka fog ama aflagaadeeyaan ay taasi xaaraan tahay .

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Email: mahamad95@hotmail.comlyo

COMMENTS
Latest News