Published:

Boorama(GNO)November-16-2015- Maleeshiyada Suldaan Wabar taageerada u ahaa in ku dhaw sanad ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland, kadib markii munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Abuqays oo ku taala xuduudka Ethiopia iyo Somaliland meel aan ka fogayn Boorama.

 

Munaasibadda lagu soo dhaweeyay Maleeshiyada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Awdal Mr Ramaax, madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, hogaan dhaqameedka Awdal iyo dadweyne kale.

 

Waxaa munaasibaddaasi lagu sheegay inay hab nabada ku soo dhammaadeen kacdoonnadii muddooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Awdal oo sababay dhimashada dad iyo dhaca hanta ay ka mid ahaayeen gaadiid Somaliland leedahay.

 

Suldaan Munaasibaddaasi ka qayb galay ayaa BBC-da u sheegay in Suldaan Wabar iskaga baxay dalka, islamarkaana ku laabtay waqooyiga America oo uu hore uga yimid intii aan laga dhigin Suldaan. Isagoo muddo kooban Suldaan ah ayuu bilaabay inuu galo buuraha isagoo ku doodaya in Somaliland duudsida xuquuqda bulshada Awdal.

 

Xubno u hadlay Maleeshiyada oo tiradooda lagu sheegay in ku dhaw 70 ay qoryo sitaan in ka badan 10 ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mawqifkoodii ay kaga soo horjeedeen Somaliland diyaarna u yihiin inay ciidanka Somaliland ku biiraan, waxaana la qorshaynayaa in la siiyo tababaro si ay militariga Somaliland uga mid noqdaan.

 

Arrintan ayaa soo dhammaatay kadib wada hadallo dhinacyada u socday, waxaana la rumaysan yahay inay soo dedejisay heshiiskii dhinaca ammaanka ku saabsanaa ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia oo xilli sii horaysay sababay in Suldaan Wabar laga soo saaro Ethiopia.

 

 

 

News Related