Published:

Dahabshiil988855

Waxa xalay, Axad 15 November, lagu qabtay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka kulan ay soo qabanqaabisay hay’ada caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga qaabilsan ee American Refugees Committee (ARC).

Kulanka cashada ahaa waxaa looga hadlay horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid waddamada caalamka

Waxaa sidoo kale fadhiyay Safiirka Soomaliya u fadhiya magaalada Washington.

Waxaa abaalmarinno qadderin ah lagu gudoonsiiyay shirkaasi shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah.

Shirkadahaasi  waxaa ka mid ahaa hormuudkooda shirkadda ganacsiga ee Dahabshiil

Abdirashiid Maxamed Saciid waa Guddoomiyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa waraystay Cabdirashiid Mohamed Saeed Duale (AMSD), waxana uu ku bilaabay inuu weydiiyo xafladdu, guud ahaan, waxa au daarranayd.

AMSD: Sida aad la socoto xafladdan waxa qabanqaabiyey hay’adda American Refugee Committee (ARC) oo deggan Gobolka Minnesota (USA); waana hay’ad  caalami ah  oo dhulkua Soomaalida hawlo badan ka qabata, waddamo badan oo Afrika ahna wax ka qabata, sidoo kale.

Annaga Dahabshiil ahaan Abaalmarintan ay na siiyeen ama nagu maamuuseen aad ayaannu ugu faraxsanahhay.

Xafladdan ARC qabanqaabisay waa xaflad ilaa 1000 qof ka soo qayb galeen oo lagu xusayo horumarka dadka Soomaaliyeed ka gaadheen meelo badan. Iyada oo inta badan warar aan wanaagsanayn dhulalka Soomaalida laga sheego, in hay’ad caalami ah iyo ganacsatadii abaalmarintan horumarka Dahabshiil Gddooniyaan waxa ay noo tahay sharaf iyo farxad.

BBC: Maxay ku soo kordhin kartaa billaddan la idin siiyey Dahabshiil?

AMSD: Billaddan la siiyey Dahabshiil waxa ay muujineysaa in dadka caawa ka soo qayb galay xafladdan ee halkan jooga ee ay ka midka yihiin xubnaha Congress’ka, sida Keith Ellison, ganacsatada Maraykanka ah ee deggan…waxa ay muujineysaa in hawlaha Dahabshiil ka qabtay dhulalka Soomaalida ama hawlaha aan halkanba ka qabannay sida isu-gudbinta lacagaha (la gaadhsiiyo dadka u baahan) in Dahabshiil ka qayb yahay horumarka laftiisa, iyo in ganacsatada

News Related