Gabileynewsonline.com
Kastamka Kalabaydh oo Habacsanaan Maamul iyo mid Shaqo soo Foodsaartay Warbixin Maxamed Muse Inji
November 22, 2015 - Written by admin

Kastamka Kalabaydh oo ah isha dhaqaale ee Labaad ee Somaliland marka laga yimaado kastamka Berbera oo kastamka koowaad ee dalka cashuuruhu kasoo xaroodaan ayaa Wakhti xaadirkan Kastamka kalabaydh waxaad moodaa inay habacsanaan shaqo ka muuqato sida uu u shaqeynayay Bilihii lasoo dhaafay, waxaana soo noqnoqday Dadka loo cashuurayo Mandooriyaha qaadka iyo alaabadda kale ganacsatadda uu marinkoodu Kastamkan kalabaydh uu yahay oo waayadan danbe ay soo noqnoqanaysay in cashuurtii qaadka ay la baxsadeen cashuurtii taasoo laga dareemay dakhligii kasoo xaroon jiray kastamkaasi .

Maxaa sabab u ah ayaan odhan karnaa Kastamkaasi magaaladda KALABAYDH inay xaaladdiisii sidan hoos u dhac uu ku yimid amba ganacsataddii ku xidhnayd ee cashuurta Jaadka maxaa keenay inay Doorbidaan inay Ganacsigoodii madmadow iyo u badheedhaan inay laamayda dheer ama wadooyin kale oo leexsan ay soo maraan waxaynu odhan karnaa maaha mid dhaqaale oo keliya balse sidaad la socotaan wakhti dheer ayay ku Qaadataa Qaad cashuurka ama ninka Qaadkii uu ka soo iibsadday Beeraha itoobiya inuu qaadkiisii cashuurto caajis badan iyo shaqaalihii qaar ayaa soo Tuusaya ayaa badatay waxaana dhacda inay shaqadu istaagto sida uu noo sheegay mid ka mid ah Ganacsatadda ka baayac mushtareysa qaadka isagoo naga codsadday inaan magaciisa iyo calaamadda qaadkiisa midna aanaan shaacin waxa uu noo sheegay inay wasiiraddii hore ee Somaliland sida Maxamed xaashi cilmi wasiirkii hore ee maaliyadda ee Somaliland aanu cagta ka qaadi jirin Gaar ahaan kastamkan kalabaydh Balse waxa uu sheegay wasiiraddii ka danbeeyay sida Cabdicasiis maxamed samaale isaga laftiisu mar iyo laba mooyaane uu deegaanka hawlo u yimaado mooyaane aanu u dhabo galin hawlaha istaagaya ama hakadku gallo inkasta oo aanay wakhtigaasi ay yarayd hawlaha cashuurta ee lagu odhanayo qolodii miisaanka seexatay oo la sugayaa waxaa la maqli jiray waxbay shaqaalihiii Maaliyadda iyo kuwii Ganacsigu waxbay soo cunayaan waana macquul imika waxaad arkaysaa ayuu yidhi jactad badan ayaa na haysta ayuu yidhi sidaasi daraadeed waxaanu la socodsiinaynaa wasiiradda ay khusayso ee maaliyadda iyo ganacsiga inaanay ka Cagqaadin meeshan waxaanan kula talinayaa ayuu yidhi Waxaa jira oo ugu badan ee kastamka kalabaydh lagu cashuuraa waa Jaad ama qaad mid aad u sumaysan ama wakhtigiisii dhaafay dhawr cisho qaadkaasi sumaysana dad badan ayaa u geeriyooday Dadkaasina magaalooyinka Somaliland oo dhan ayay arrintaasi galaafatay maalin kastana waxay sahayatay nolosha dad badan oo qofkii sida uu u cunayo unbuu wadnuhu istaagayaa ama suntii ayaa beerka fadhiisanaysa Dawladdiina wax kasta way cashuuraysaa lama eegayo xanuunadda laga qaadayo ama lama odhanayo qofkii sitay la noqo ama ciqaab adag laga marin mayo waxaa laga yaabaa haddii la ciqaabi lahaa ama kula noqo itoobiya la odhan lahaa qofkaasi aanu mar danbe isku dayeen inuu dad badan galaafto oo ka mid ahaa dabaqaddii sare ee dalka Somaliland oo iyagu inta badan caadaysta inay anba ku shaqeeyaan cunista qaadka meheradahooga ku cuna ama Goobaha layskugu yimaado ee loo waageertay cunista jaadka sida mafrashyadda iyo maqaahiyaha shaaha laga cabo ee ay fadhiistaan.

Waxaa lagu qiyaasaa Dadka u ku sumawday jaadka ama qaadka kuwa xanuunkii ay ka qaadeen u jiifa ama mar keliya iyagoo cunaya afka uu mar keliya qalalay ee dhintay ama dhawr cisho uun sakaraaday ee dhintay qaadkaasi sumaysani galaaftay noloshooda laga soo bilaabo ramadaantii ina dhaaftay ilaa maanta 3000 oo qof taasoo ku filiqsan dhamaan goboladda Somaliland Qaadkaasi oo dhamaantii kasoo gallay kastamka kalabaydh halka tiro ilaa 200 qofna ay weli u jiifaan dakhtaradda dalka sida aanu kasoo ogaanay Suaashu haddaba waxay tahay xukuumadda oo isha ka lalinaysa inay dhibaataddani aafaddan ku dhacday dadkii cunayay qaadka waxay isweydiintu Dawladdii u xilsaarnayd inay wax ka qabato waxay isweydiintu tahay Ma suntii dadku ku dhimanayeen eeay cashuurayso ayaa kala qiime badatay dadkan maalin kasta u dhimanaya waxay midida daabkeeda iyadu hayso maanta .

Waxa kale oo jirta in Cashuur lala baxsado oo Maamulaha KASTAMka KALABAYDH jeebaddiisa ku dhacda sida gaadhi ama laba Nooca shaambooga 24ka TON Qaada oo si isku halayn ah Waddada usoo mara ka leexda Kastamka oo ka leexda Kalabaydh duleedkeeda dhinaca kasoo galla jid caddaha gaadiidkaasi oo mara waddadii Hargeysa tegi jirtay ee jid caddaha la odhan jiray sida uu noo xaqiijiyay nin waddadaasi beertiisu ay marto laguna magacaabo awcali oo sheegay inay waddadaasi habeen oo dhan ay gawaadhidaasi qulqulayaan ilaa waagu markuu daalaco subaxii way socdaan ayuu yidhi waxaana ku dayday kuwii caanaha iyo kuwo sida waxyaabaha mamnuuca ah ee aan la cashuuri Karin ee xadhiga ah sida khamriga iyo xashiishada gawaadhidaasi oo noahayaal u badan dhamaantoodna waddadaasi waxay Hargeysa kasoo gallaan duleedka Koonfureed ee magaaladda hargeysa .

Maamulaha Kastamka kalabaydh cabdirisaaq muxumed aaye oo aanu isku daynay inaanu eedeyntan loo soo jeediyay wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin ka dib markii uu naga qaban waayay telefoonkiisii gacanta haddaba Cabdirisaaq muxumed aaye oo ahaa masuulkii Sedexaad ee Muddadii xukuumaddii siilaanyo talada haysay ayaa maamulahaasi oo kasoo jeeda Magaaladda Boorama dhalasho ahaan ayaa meesha kala wareegay cabdiraxmaan cirro oo ahaa Maamulihii ka horeeyay oo kasoo jeeday Gobolka saaxil muddadii kasii horeysayna waxaa meesha haystay cumar xassan caalin oo ahaa maamulihii kasoo jeeday deegaanka Gabiley ee xukuumaddii rayaale isagu meesha haysan jiray suaasha meesha taalaa ugu dabeyntii waxa weeyi masuulkani maxay meesha sidan ugu eegaysaa wasiirka haweenayda ihi ee Marwo samsam cabdi aaden mise Maamulahani ma WABAR Meeshan lagu naas nuujinayo miyaa oo reer ayaa lagu sasabayaa maxaa meesha loo keeni waayay nin gobolka Gabiley kasoo jeeda loo keeni waayay mise xaalku Dad meel ku dhaqani isma indho buuxiyo miyaa xaalku .

Allaa Mahad leh

Qalinkii Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Mahamad95@hotmail.com

Gabileynewsonline.com

COMMENTS
Latest News