Published:

 

033Hargeysa(GNO) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Waxa shallay u soo dagay Qalabkii Diwaangalinta  codbixiyaasha Somaliland.

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu soo saaray  warsaxafadeed uu soo saaray Saciid  Cali Muuse waxana lagu yidhi. Maanta oo ay Bisha November tahay 10/2015 waxa si rasmi ah u soo gaadhay gadida diyaaradaha ee Cigaal Airport qalabkii lagu galaayay diiwaan galinta cod bixiyaha doorashooyinka.

Qalabkan oo laga soo raray caasimada dalka Demark ee Copenhagen, halkaas oo mudo hal wig ah ay ku maqnaayeen labada komishaneer ee kala ah Abdirahman Cisman Aadan iyo Saciid Cali Muuse oo ku hawlanaa soo rarista qalabkan ayaa manta si Rasmi ah u soo gaadhay dalka.

Qalabkan oo ah qalab casri ah looguna talo galay in lagu galo diiwaangalinta codbixiyaha doorashooyinka waxa ka gudoomay xubno komishanka qaranka ka tirsan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka qaranku Eng. Cabdiqaadir Iimaan warsame.

 

News Related