Published:

Gaalkacayo(GNO)November-22-2015- Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacmeen dagaal magaalada Gaalkacayo ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug. Dadka dhintay ayaa isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo shacabka.

 

Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in dagaalku uu ka billowday dhismaha wado laami ah oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.  Muranka waddadaasi ayaa sabaabay dirirta dhexmartay labada dhinaca ee horseeday khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayuu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey in uu dagaalkan billaabay. Waxaa labada dhinac hore ugu dhexaysay khilaaf ku salaysan dhinaca dhulka iyo jiritaanka, iyagoo maamulka Puntland ku dooday inaanay aqoonsanayn dhinaca kale.

News Related