Gabileynewsonline.com
Madaxdhaqameed ka socda Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya oo lagu soo dhaweyey Laascaanod.
November 19, 2015 - Written by admin

 

isbHargeysa(GNO) Isimada Dawlad deeganka Somalida Itoobiya oo Muddooyinkii u danbeyey ku dhex jiray Xaalinta Dagaal beeledyo ku dhex  maray labba Beelood oo walaalo ah Dagaanka Gobolka Sool ayaa lagu soo d haweyey Magaalada Lascaanod.

Isimadan oo ka Koobnaa  Illaa Toban Qof ayaa sheegay in ay ku guuleysten soo afjarid Xiisad colaadeed oo deegankaasi ku dhex martay Beelahaasi, waxanay tilmaamen in ay ka yimadeen Dhanka Puntland oo beel ka mid ah Beelaha ku dagaalamay gobolka Sool ay ka soo jeeddo.

Waftiga Isimada Dawlad deeganka Somalida Itoobiya ayaa waxa hogaaminayey  Gaarad Kulmiye Gaar Dool Garaad Wiilwaal waxanu tilmaamay in ay soo afjareen colaadii gobolkaasi ku dhex maray labba beellood, waxa kale oo uu u mahad naqay Somaliland iyo sidii loogu soo dhaweyey magaalada lascaanod.  “Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay soo dhaweynta aad noo sameysen, marti ma  nihin oo magaaladayadii ayaad  nagu soo dhaweysen, dadka degen Somaliland iyo kuwa dawlad deeganka itoobiya degeni waa dad walalo ah, waa dad jaar ah oo dad wax wadda qabsada, dhibaatadii dhacday ee aanu u  nimid illaahay wuu nagu guuleyey oo way dhammaatay”Ayuu yidhi

Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Ducaale oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta Madaxdhaqameedkasi ayaa sheegay in ay waftigaasi ku soo dhaweynayaan Dhulkooda hooyo ee Somaliland, waxanu ka hadlay xidhiidhka labbada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeya  oo ah mid meel fiican maraya, waxa kale oo u uga mahad naqay ka qaybqaadashada ay ka qaybqaaten soo afjarida Xooladii ka dhalatay dirir dhex martay labba belood oo ka soo kala jeedda  Somaliland iyo Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Yaasin Maxamed (Shiide)  iyo Maayirka Magaalada Lascaanood Cismaan Saleeban Jaamac  oo iyagu soo dhaweyey waftigaasi Madaxdhaqameedka ah ayaa waxay tilmaamen in ay ku farax san yihiin sida ay uga qaybqaaten soo afjarida xoladii ka dhacday deegankaa

COMMENTS
Latest News