Published:

Muqdisho(GNO)November-07-2015- Ururka Al-shabaab ayaa weerarro la beegsada qaar ka mid ah huteellada ku yaalla caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo ay ku nool yihiin siyaasiyiin iyo dad bartilmaameed u ah ururkaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-shabaab ku qaaday huteelka Saxafi, ayaa waxaa mid ka mid ah dagaalyahannada ururkaasi xilliga uu weerarkaasi socday telefoonka ugu sheegay tifaftiraha BBC ee wararka Afrika, Mary Harper.

Warbixintan ayayna ka qortay sababta ay muhiim ugu yihiin huteellada ku yaalla caasimadda Soomaaliya in dano lagu qabsado, iyo sida ay Al-shabaab u bartilmaameedsadaan.

“Waxaa fooda nagu soo hayay sanadka cusub, waxaana wada casheyneynay qaar ka mid ah asxaabteyda Muqdisho, kaddibna waxaa dhacay qarax xooggan.

Xajmiga qaraxa ayaa waxa uu cabsi geliyay dad badan oo goobta igula sugnaa, ayna ka mid yihiin la taliyayaal sarsare oo dhanka milateriga ah.

Mid ka mid ah asxaabta iga caawisa dhanka ammaanka marka aan joogo Muqdisho, ayaa ii sheegay in qaraxa uu ka dhacay huteelka Jaziira. Qaar naga mid ah ayaa fuulay saqafka meeshii aan joognay, waxaana aragnay qiiq iyo holac ka baxaya derbiga huteelka oo gaari lagu qarxiyay.

Gawaarida gurmadka degdega iyo kuwo ay ciidammada leeyihiin ayaa durbadiiba gaaray huteel Jaziira, kaddibna waxaa goobtaasi ka dhacay qarax kale oo xooggan.

Weerarkaasi Al-shabaab ay ku qaaday huteel Jaziira ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15 qof, oo ay ka mid yihiin kuwii fuliyay weerarka.

Weerarkii todobaadkii hore ay Al-shabaab ku qaaday huteel Saxafi ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa jenaraal Cabdikariim Dhagabadan, oo mar ahaa abaanduulaha ciidammada Soomaaliya.

Intii uu socday weerarkii huteel Saxafi, ayaa waxaa telefoonka igula soo xidhiidhay mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana uu ii sheegay in jeneraalka ay kudabajireen tan iyo bishii August 2011-ka, uuna hogaaminayay howgalkii looga saaray Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale ii sheegay in ay bartilmaameed ka dhigtaan ilaa todobo huteel oo caasimadda ku yaalla, kuwaasi oo uu sheegay in ay hoy u yihiin waxa uu ku tilmaamay dowladda ridadda ah, qurba joogta, shisheeye iyo gaalo.

Qaar ka mid ah huteeladda Muqdisho ayaa leh gidaaro dhaadheer, albaabo bir ah, waardiyeyaal hubeysan iyo qalab ammaanka lagu sugo, waxaana lagu ilaaliyaa mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka kale ee bartilmaameedka u noqon kara Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa leh shabakad sirdoon oo hormarsan, waxaana u fudud in ay helaan xogta cidda ku nool huteeladda. Saraakiisha ammaanka ayaa sheega in Al-shabaab ay leeyihiin dad uga dhex shaqeeya huteeladda, oo u gudbiya macluumaad xasaasi ah, sida shakhsiyaadka qolalka ku nool.

20-kii bishii Febraayo ee sanadkan markii la weeraray huteel Central, dadkii isku qarxiyay waxaa ka mid ahayd Luul Xuseen oo ka shaqeyn jirtay qeybta soo dhaweynta ee huteelkaasi.”

 

News Related