Published:

Hargeysa(GNO)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu hadda ku suganyahay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil, waxaana safarka Madaxweyne Siilaanyo lagu sheegay mid shakhsi ah. Magaalada waxa ka jira tabashooyin badan oo ay shacabku qabaan iyadoo ay dadka reer Berbera ku doodayaan inaan lacagta adag ee ka soo baxda magaalada Berbera sidii ku haboonayd wax loogaga qaban baahiyaha kala duwan ee ka jira magaalada.

Haddaba, waxa xusid mudan in dib loo halacsado khudbad uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay 22 Febarwari 2009 oo uu ahaa hoggaamiye mucaarad ah oo hoggaaminayay xisbiga KULMIYE. Madaxweyne Siilaanyo oo ay maalintaas xisbigiisa KULMIYE ku soo biireen taageerayaal badan oo reer Saaxil ahaa, wuxuu dekedda Berbera iyo horumarka magaalada u sameeyay balanqaadyo.

Axmed-Siilaanyo isagoo ka hadlaya dekedda Berbera maalintaas wuxuu yidhi , “Waxaan leeyahay dekeda Berberi waa deked fac wayn oo taariikh leh waa dekedii gobolka oo waad arkaysaan halkay marayso, waxaanay ahayd dekeda Soomaalida oo dhami wax ka dhoofsato maanta waad arkaysaan halkay marayso, waxaa maxaa u sabab ah ma wax duruufo keeneen baa, ma wax dadkani keeneen baa. Waxaanu leenahay dawlada maanta jirta ayaa la degtay oo waxba u qaban wayday meesha dalka dakhligiisu ka soo baxayo ee ay ahayd in ay wax kaga celiso ayaa maanta halkaa gaysay taasina ay dalkii iyo dadkii dib u dhac ku keentay.”

Wuxuu dadweynaha reer Berbera iyo dekeddaba u balan qaaday oo uu yidhi “Annagu(Kulmiye) waxaanu balan qaadaynaa in cashuurta ka soo baxda aanu qayb lagu horumariyo magaalada aan u reebno oo horumarkeeda aanu ka shaqayno si ay uga horu marto dekedaha kale ee dhigeeda ah ayaanu balanqaadaynaa waxaanay ummaddani u baahan tahay isbedal dhinac walba ah mid dhaqaale, mid bulsho iyo mid goboleedba oo kor u kaca dalkeena ka shaqeeya.”

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dawladii Daahir Rayaale ku eedeeyay inay aaminsantahay inay dadka  reer Somaliland iyo Somaliya yihiin walaalo,  waxaana xusid mudan in Madaxweyne Rayaale ka gaws adaygay inuu wax wada hadal ah la galo dawlad Somaliya ka dhisan, halka uu Madaxweyne Siilaanyo isagu noqday hoggaamiye wada hadal la furay Somaliya, waxaanu Siilaanyo maalintaas isagoo ka hadlaya raadinta ictiraafka iyo mawduucan Somaliyaba yidhi  “Maanta waxaynu higsanaynay inuu dalkeenu ictiraaf helo oo uu xoriyadiisa gaadho oo ay dunidu Ictiraafto. Hore waxaynu uga maqli jirnay dawladeena markay dibeda u baxdo ictiraafkii wuu soo dhaw yahay oo todobaadkan ayuu imanayaa imika miyaad ka maqasheen goormaa ugu dambaysay inay yidhaahdaan, ictiraaf ay raadiyaan daaye waa kuwaa maanta u gacan haadinaya Muqdisho ee leh dad walaalo ah ayaanu nahay oo aanay xuduudi u dhaxayn.”

News Related