Gabileynewsonline.com
Muwaadin Mas’uul Ma Tahay?
November 8, 2015 - Written by admin

 

 

 

 

“Waddanku wuxuu ka dhexeeyaa muwaadiniin. MUWAADIN kastaa maaha WADDANI, se waddani kastaa waa muwaadin”.

 

Marka laga hadlaayo xaqa waddankaagu kugu leeyahay waa inaad la raadisaa awooddaada, kartidaada firfircooniyadeed iyo dadaalkaaga qofeed inaad wax gashan karto, ha badnaato ama ha yaraatee. Sifaha waddaninimo ayaa dhigaya inaad mar walba indho caafimaad ku eegto qalooca ku imanaya habka iyo hannaanka dhisme ee waddankaaga. Tani waxay ku fari kartaa inaad ugu dhibirsanaato hagaajin, hiilin iyo hurid maskaxeed iyo mid maal taad awooddo. Middani waa ta inaga dhigaysa muwaadin jecel dhulkiisa iyo dhalashadiisa.

 

Ujeedada qormadani waa han u yeelidda dad jecel dalkooda, horumarkiisa iyo horusocodkiisa. Waa mid aan kula hadlaayo qof kasta oo leh damiir xalan oo soo jeeda, u nool dalkiisa iyo dadkiisa. MUWAADIN kelmaddan iyo si u fahankeeda aan isku dayo qeexiddeeda anigoon aqoondheer iyo u talaxtag ku samaynayn. MUWAADIN waa qof ku dhashay waddan, ku nool, wax ka barta ama ka shaqaysta, sinjiyad ahaan iyo abtirsiimana ku uuman dhulkan uu noloshiisa ku qaato. Waa qof leh xuquuq dahsoon iyo mid daalacan, sidoo kale lagu leeyahay mid dahsoon iyo mid daalacan, waddankiisuna tebo mas’uuliyadda saaran awgeed. Haddaba akhriste, ma taqaan waajibaadka kaa saaran waddankaaga? Ma ogtahay waxyaabaha uu dalkaagu xaq kuugu leeyahay ama aad ku leedahay? Ma u qabataa waajibaadkiisa ku saaran mase ka qabsataa ka aad ku leedahay? Adigu heerkeed ka taagantay waddanka, isagu se halkuu kaa taagan yahay? Waydiimahan oo idil haddaad is waydiisay kana jawaabtay waa hubaal inaad wax badan nooga warcelin doonto, haddaanad is waydiinna waxaa ku saaran is waydiintooda.

 

Dadku hadduu wada dhaqan yahay, inuu liidashada isaga tudho oo kawada tashadaa waa daruuri, si ay martabad mar ah u wada gaadhaan. Lagama wada helee, xumaanta qof baa kaa reeba ama kugu dara. Ka diinteenna iyo dadnimadeenu ammaanaan waa ka walaalkiis xumaha ka reeba, samahana fara. Sidaa darteed waxaan u mohday inaan idinla wadaago mas’uuliyad aad dayacdeen muwaadiniin. Waa mid ina wada saaran, si gaar ahna u saaran dadkii aynu u igmanay xilkeeda. Bal ila dheeho warkayga oo dhalliilo maahee waa toosine hoosta ka xarriiqa. Si wax-ka-beddel ama kaabis loogu qaadan karo. Tusaale waxaan ka dhiganayaa waddankoo dhan  maahee, caasimadda Soomaalilaand oo aan ku noolay iyo siday wax iigu muuqdaan ama aan u arkay in wax looga beddeli karo, sida maanta la yahay ee nidaam la’aanta ah. Mid aan sheego, anigu cilmi kama hadlayo sida (Urbanization) magaalayn iyo wax lamida ee waa fikirkayga iyo sida aan la jeclay waddankayga quruxna u noqon karta.

 

Maasha Alaah, horta waxaa in lagu farxo ah sida habsamida leh ee horumar la taaban karo loogu sameeyay noocyada kala duwan ee magaalada ( Dhismayaasha, waddooyinka, Gaadiidka, maamulkooda) iwm. Waayo, shalay meel aynaan joogin ayaynu maantaba taagannay oo ay tahay in laga garaabo. Duniduna sidaas ayay xawli iyo xawaare ugu soconaysaa. Is beddelkuna waa furaha qaabeeya nolosha aadame, mar walbana waxaa lagu kala sed roonaadaa dadba dadka kale intay ka horumareen, hadday noqoto dhanka aqoonta, maskaxda iyo fahmada guud ee nolosha. Kolba qaar ayaa heer taagan, sida maanta uu Ingiriis meel u taagan yahay, Maraykanna meel u taagan yahay. Siduu Ingiriis quwad iyo maskax adduun u sheegan jiray iyo siday uga hoos baxday ee maanta uu Maraykan isugu laba-rogo dunida. Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa ” Adduunyadu waa hadhkaa labadiisa gelin ” oo ah is beddelku waa mid sarreeyay inuu hooseeyo maanta, mid hooseeyayna sarreeyo. Haddaba, waydiintu waxay tahay ma horumarnay? Halkaynu joognay se halkaynu maraynaa? Aqoon ahaan ma kobocnay mise waynu liidanaa? Wax ma qorshaysannay oo meel ma u soconnaa mise waynu iska soconnaa? Bal aynu isla eegno oo wada cabbirno inagoo maan fayow iyo maskax dihin ku eegayna.

 

Ma horumarnay?

 

Marka loo eego wakhtiyadii ina soo maray, halkaynu taagnayn iyo awooddeena HAA waynu horumarnay. Waayo, waddanka oo idil ma wada dhisnayn kolkii lagu soo noqday dagaalkii burburkii dawladdii MSBarre dabadii. Sidaa awgeed illaa maalintii laga bilaabay dhismaha dhulkii madaafiicdu madhisay guryaha, illaa maanta waa inoo horumar iyo daaro dhaadheer, waddooyin qurxoon iyo maamul daadejin wanaagsan. Looga faa’idaystay wakhti, xoog iyo maskax ku habboon. Markaa waynu odhanaynaa marka loo eego shalay iyo sidaynu ahayn HAA waynu soconnay.

 

Aqoon ahaan ma kobocnay?

 

HAA, si dhiirran ayaan u odhanayaa, waayo si baaxad leh oo aan gabbasho lahayn ayaa horusocod iyo higsi loogu sameeyay waxbarashada dalka Soomaalilaan. Waxa la sameeyay manaahij soo saarta dad maskax ballaadhan oo dunida iyo heerka ay maraysaba la jaanqaadi kara. Intii waddanku soo kabtay, waxaa la furay maddaariis quraanka iyo diinta lagu barto oo tiro badan, dugsiyo iyo jaamacado culuun kala duwan lagu barto oo soo saaray dad loo aayey waxqabad ballaadhanna ku sameeyay waddankooda. Inkastoo dadkii waxbartay iyo shaqadii ay ku heli lahaayeen ay kala badatay, haddana wax cabasho ah iyo wax la’aan loo bakhtiyo maaha, manay keenin. Aqoontii ay barteen ummadda Soomaalilaan waata la jaanqaad siisay qayrkooda dawladaha waaweyn iyo aqoonta gaamurtay leh. Ka dhigtay kuwo la cilmi raadsada waddamo kumanaan sanno aqoonsi iyo dawladnimo heersare ah haystay. Waata gaadhsiisay dadka reer Soomaalilaan kuwo hal-abuurka aqooneed ee kala duwan dunida u sita oo maskax furni iyo aqoon isku darsaday. Maaha faan, waa se dhab aan la qarin karin runtii in heer wanaagsan oo lagu taamo ay dadkeennu ka sameeyeen aqoonta. Manay joogsane maalinba ta ka dambaysa way ka sii horumaraysaa, kana sii wacnaanaysaa oo dadkeedu sii badanayaan. Illaa la rejaynaayo inay adduunka la simmaan oo wax la qaybsadaan aqoon iyo aragtiba.

 

Wax ma qorshaysannay oo meel ma u soconnaa mise waynu iska soconnaa?

 

Marka laga eego dhinaca taban ee indho caafimaad qaba lagu cabbiro wax, waynu leenahay oo meel aynu u soconno ayaa jirta. Waddankeennu HAA meel uu u socdo wuu leeyahay. Dadkeenu meel ay higsanayaan ayaynu leenahay. Taas oo ah, in aynu noqono dawlad wayn oo caalamka laga aqoonsanyahay, leh horusocod, ku dayasho, aqoon, caafimaad iyo awood maskaxeed oo kaalin ka gasha dagaalada qabow ee dunida laysku adeegsado maanta. Wax soo saar iyo hal-abuurnimana leh. Waxa inoo qorshaysan inaynu gaadhno hammi inaga dheexaya oo ah waddan la majiirto dhan walba oo laga dayo, xagga dadka iyo duunyadaba. Waana qorshe runtii waxa halkaan aan maanta taagannay ina soo gaadhsiiyey. Waana wax Ilaahay loogu mahad celiyo.

 

Haddii aynu intaa waydiimahaas kaga nimaadno, aan haddana is waydiino, martabadaha nololeed ee waddankeena iyo heerka maanta aynu ka taagannay wax toosin.  Laba waydiimood oo isku lid ah aan is waydiino bal. Maxaynu ku wanaagsannay haddaynu intaa aynu soo sheegnay ka run sheegnay? Maxaynu se ku xunnay?

Waxaa kale oo aynu is waydiin doonnaa, ma wax baynu duminaa mise wax baynu dhisnaa? Kaalinteed muwaadin adigu kaga jirtaa waxqabadka dalkaaga, haddaanad kaalin ku jirin se halkeed ka galaysaa?

 

Qormadeennu halkan haynoogu joogto, waydiimahan iyo warcelinahooda iyo qaybteenna labaad oo aynu isugu soo noqonno ayaa inoo ballan ah. La socod wanaagsan akhristayaal…

 

Qalinkii : Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

Email. abdiasisdaacad@hotmail.com

Tel : 0634251527

COMMENTS
Latest News