Published:

Warbixin Xiise badan oo Aljazeera diyaarisay

Hargeysa (GNO)- “Hadda in yar dareenkiinna ii soo jeediya oo u fiirsada, Ninkani waxa uu guursaday 130 dumar ah, 85 ka mid ah ayaa uu furay, waxaana u soo hadhay oo uu weli qabaa 45 ka mid ah. Allahayoow! Tol’oow sidee uu dumarkan ugu qanciyey in uu gurusado? Sidee uu jacaylka ugu qabiyaa, waa haddii uu jecelyahayba ee? Waxase intaasba ka sii horreeya, tol’oow sidee ay naftiisu ugu qurxisay tallaabadan khatarta ah?” Ereyadaas xiisaha leh ayaa uu wariyaha Aljazeera Fahad Yaasiin ku bilaabay warbixin uu dhowaan ka diyaariyey godadle u dhashay dalka Kenya.

Wariye Fahad isaga oo warbixintiisan oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogay sii wadana waxa uu yidhi, “Bulshada deegaankiisa Magoori oo ku yaalla galbeedka Kenya kula dhaqani waxa ay ku tilmaamaan ninkii khatarta ahaa. Waa Akukihii khatarta ahaa oo 90 jir ah, illaa haddana waxa uu guursaday in ka badan 130 dumar ah” ayaa uu yidhi Wariye Fahad oo cududda haya waayeelkan guurka ku falan.

Wariyaha oo tilmaamaya, ninkan Khatarta ah oo ku fadhiisanaya gambadh yar oo yaalla meel aan ka fogeyn afaafka guri aad u yar oo jiingad iyo jaajuur ah, hareerihiisana ay sida giraanta ugu soo wareegsan yihiin dad aad u tiro badan ayaa waxa uu yidhi, “Kursigan isaga ayaa si gaar ah loogu talogalay, si uu u hoggaamiyo kulan qoys oo ay isugu yimaaddaan qaar ka mid ah carruurtiisa iyo xaasaskiisu. Sida ay caadadu tahayna waa in ay gacan qaaddo hadba xaasaskiisa ta uu ugu dambe guursaday”

“Waa Tan xaaskaygii ugu dambaysay” ayaa uu yidhi, Akuku oo gacan qaadaya gabadhan oo markii uu fadhiistay inta ay u soo kacday salaan gacan-qaad ah ula soo dhowaatay. Isaga oo ka waramaya waqtigii guurkoodana waxa uu yidhi, “Waxa aan guursaday sannadkii 1997kii”

Wariyaha Aljazeera oo warbixintiisa sii wada waxa uu yidhi, “Xaaskiisa ugu weyni waa ay xanuunsanaysaa, sidaa awgeed Akuku isaga ayaa u soo kaca si uu xaalkeeda u ogaado” Akuku isaga oo xaaskiisan salaamayana waxa uu yidhi, “Tanina waa xaaskaygii labaad, waxa aan guursaday sannadkii 1943kii ee qarnigii tegey”

Tirada ubadka ay xaasaskiisani u dhaleen waa 262, oo 48 ka mid ahi ay dhinteen. Inta noolna magacyadooda in uu wada xasuustaa waa ay ku adag tahay. Waa suurtogal in ay sababtu tahay isu-ekaanshiyahooda ama mad-madow ka gelaya muuqooda. Akuku xaasaskiisu lambarro ayaa ay ugu kala suntan yihiin, mid kastaana waxa ay leedahay lambar uu ku garto, haddii ay yihiin kuwii dhintay iyo inta weli nooliba.

Akuku Danger isaga oo wariye Fahad uga warramaya xaasaskiisa illaa hadda geeriyooday iyo tirsigii uu ku yaqaannayna waxa uu yidhi, “Lambarka koowaad illaa lambarka Tobnaad xaasaskii lahaa, saddex ayaa ka dhintay. Lambar Kow iyo Toban illaa Labaatanna Laba ayaa ka dhimatay, Kow iyo Labaatan illaa Sodonna Toddoba ayaa ka dhintay. …”

Wariye Fahad waxa uu Akuku weydiiyey, “Dhammaantood miyaa aad jeceshahay? Haddii aad wada jeceshahayse’ sidee aad jacaylka ugu qaybisaa? Ninka khatarta ahina waa uu ku jawaabay, “Dumarkii aan i jeclayn iyaga waa aan furay. Laakiin kuwii i jeclaa ee aan aniguna jeclaa ayaa aan qabaa” Kadib Akuku iyo qaar xaasaskiisa ka mid ah oo maqlaya ayaa qoslay.

Akuku waxa uu ku noolyahay duni u gaar ah, danna kama galo buuqa ururrada haweenka, mana dhegeysto aragtida wadaadada diinta. Waa boqortooyadiisii, waana caadooyinkiisii”

Ugu dambayntii Wariye Fahad Yaasiin waxa uu warbixintan ku soo xidhay aragtidiisa iyo talo uu siinayo daawadayaasha warbixintiisa, “Daawade, ninkan ha ku dayanin. Haddii aad jeceshay in carruurtaadu boqol ka badatana, waa in aad la tashataa culimada shareecada iyo ragga sharciga ku xeeldheer, si aanad shuruucda u jebin” isaga oo ka hadlaya talada uu isaga siiyey ninka khatarta ahina waxa uu wariye Fahad ku soo gunaanaday warbixintiisan, “Aniga waxa uu i siiyey talo ku qotonta waayo-aragnimadiisan khatarta ah, laakiin sirtayda aniga oo hawada toos ugu jira sheegi maayo”

source : Geeska

 

News Related